U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qaabiley Hoggaamiyaha Maamulka KMG SSC

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha KMG ah ee SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo safar kusoo gaaray Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Hoggaamiye Firdhiye warbixin ku saabsan xaaladda bulsho iyo nololeed ee ka jirta deegaanada SSC, gaara ahaan magaalada Laascaanood oo muddo 8 bilood ah ay ka dhacayeen dagaallo iyo Duqeymo xooggan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo wada-hadal la isugu yimaado miiska.

Hoggaamiyaha SSC oo ayaa safar kusoo gaaray magaalada Muqdisho, kadib markii uu casuumaad uu ka helay Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomalaiya Xamse Cabdi Barre, waxaana xusid mudan in maqaam sare lagu soo dhoweeyay Firdhiye.

Goobjoog News