U bood dhigaalka

Wabiyada Soomaaliya oo Walaac Laga Qabo, Xilli Wabiga Shabeelle uu Ku Fatahay Jowhar

Sheeko:Dalka

 Xilli dhowaan digniino xooggan laga soo saaray fatahaadaha iyo daadad ka dhalan kara duufaanta El nino ayaa waxaa soo baxaya cabsi laga qabo fatahaadaha ay sameyn karaan wabiyada Soomaliya ee Shabeelle iyo Jubba oo mara dhowr gobol.

Wabiga Shabeelle oo mara gobollada Shabeellaha dhexe, Shabeellaha hoose iyo Hiiraan ayaa saacadihii ugu dambeeyay waxaa uu fatahaado ka sameeyay deegaanno hoostaga magaalada Jowhar iyo degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

Dhulka Wabiga uu ku fatahay ayaa u badan dhul-beereed, kaas oo ay ku yaaleen dalagyo kale duwan, xilli bulshada ku dhaqan deegaannadaas ay sheegeyso in biyo aad u badan uu soo rogay Wabiga, taas oo aan hore loogu arki jirin.

Sidoo kale magaalooyinka Baladweyne iyo Afgooye oo Hiiraan iyo Shabeellaha hoose kala tirsan ayaa waxaa ka taagan cabsi xooggan, waxaana magaalooyinkaan dhowr jeer ka dhacay fatahaado,kuwaas  sababay khasaare kale duwan.

Dhanka kale bulshada ku dhaqan gobollada Jubbada hoose Jubbada dhexe iyo Gedo ayaa cabsi iyo walaac xooggan ka muujiyay fatahaad uu sameyn karo wabiga Jubba, kaas oo mara Jubbalanad xilli dhowaan Baardheere daadad ay ka dhaceen.

Xilligii roobka gu’a ayaa la xasuustaa fatahaad ka dhacday magaalada Baardheere in ay sababtay geerida 21 ruux oo shacab ah, kuwaas oo ku qarqoomay fatahaadda, waxaana hadda soo baxaysa cabsi kale oo laga qabo fatahaado kale.

Hey’adda maareynta musiibooyinka qaranka ayaa dhowaan soo saartay digniino culus oo ku aadan in dalka ay roobab xooggan oo dabeylo wata ay kusoo wajahan yihiin, kuwaas oo waata duuwaanta Elino, oo fataado sababi karta.

Goobjoog News