U bood dhigaalka

Dagaalka Israel iyo Xamas oo Yeeshay Waji Cusub iyo Madaafiic Lagu Garacay Israel

Dagaalka u dhaxeeyay xoogga Xamaas ee reer Falastiin iyo ciidanka Israel ayaa waxaa uu yeeshay waji cusub, kadib markii madaafiic lagu garaacay Waqoogiga Israel mas’uuliyadeeda uu sheegtay ururka Islaamiga Xisbullah ee ka dhisan Lebanon.

Israel ayaa dhankeeda sheegtay in ay ka jawaabtay weerarrada kaga yimid Xisbullah, xiisadan ayaa timid iyadoo cabsida laga qabo duulaanka dhulka ee Qaza ay sii kordhayaan kadib markii Ra’iisul wasaaraha Israel uu sheegay inuu go’doominayo Qaza.

Maha Hussaini, oo ka shaqeysa arrimaha Baniiadanimada isla markaana degan magaalada Gaza, ayaa u sheegay Aljazeera in dadka ku nool go’doominta ay la kulmeen mid ka mid ah habeenadii ugu adkaa muddo laba sano ah oo soo marta magaaladaan, iyadoo siiraacisay hadalkeeda in ay madaafiic ay socdaan.

“Bambooyinka ayaa lagu bartilmaameedsanayaa xaafado dhowr ah. Waxaan dareemaynaa gariir, waxaana maqalnay bambooyinka oo ruxaya xaafadaha. Annaga ayaa dusha naga saaran weerarkan. Qaraxyadu waxay ruxayaan meel kasta oo Gaza ka tirsan, mana jirto meel nabdoon,” ayay tiri.

Hussaini waxa ay intaas ku dartay in Falastiiniyiinta qaarkood ay shandadahooda qabsanayeen oo ay isku dayayeen inay ka baxaan guryahooda” Laakiin dhibaatada halkan ka jirta ayaa ah, Gaza, ma jiraan wax gabaad ah ama godad ilaalin ah. Meel la aado ma jirto,” ayay sii raacisay  hadakeeda.

Dagaalka labada dhinac ayaa noqday mid sii xoogeystay, kadib markii Ra’iisulwasaaraha Israel uu ku dhawaaqay in la go’doomiyo magaalada Qaza, laakiin Ururka Xisbullaah ayaa garab istaag u sameeyay Xamaas iyaga oo madaafiic habeenimadii xalay ku garaacay Israel, taas oo dagaalka waji kale u yeeshay.

Goobjoog News