U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Dalka Kusoo Celisay Muwaadiniin Ku go’doomay Colaadda Sudan.

Sheeko:Dalka

Muwaadiniintaan oo ka kooban caruur iyo waalidiintooda oo ku noolaa dalka Sudan ayaa ka gudbay xadka dalkaasi uu la leeyahay dalka Ethiopia markii dagaaladu ka curteen Sudan, waxaana ay isugu jiraan arday dad deegaan ku ahaa wadankaasi.

Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Caruurta ugu qaabilsan Madaxweynaha JFS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda IOM ayaa iska kaashaday soo celinta muwaadiniintaan oo si nabad ah uga soo dagay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an dib u soo celinta iyo badbaadinta muwaadiinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dagaalada ka socda Sudan,taas oo ah ballan ay dowladdu hore ugu qaaday muwaadiniinta  ku go’doonsan dalka Sudan oo ay dagaallo ka socdaan.

Goobjoog News