U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada Galmudug oo Ansixiyay Miisaaniyad Sanadeedka 2024 Ee Maamulka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir Ciid.

Ugu horreyn shirka ayaa waxaa warbixin ku saabsan dagaalka ka dhanka ah aAl-shabaab deegaannada Galmudug looga dhageystay Wasiirka Wasaaradda amniga Maxamed Cabdi Gaboobe oo maalmahaan furimaha ku sugnaa.

Kulanka ayaa sidoo kale  waxaa warbixin ku saabsan miisaaniyad sannadeedka 2024-ka looga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug. Golaha wasiirrada ayaana dood dheer kaddib cod gacan taag ah ku ansixiyay miisaaniyadda 2024-ka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa isagoo ka duulaya dardargalinta howgalka wajiga labaad waxa uu magaacaabay guddiyo ka tirsan Golaha Wasiirrada oo ka howl gali doona aagagga dagaalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Golaha uga mahadceliyay ansixinta miisaaniyadda 2024-ka, waxaana kulankaan uu kusoo aadayaa xilli deegaannada Galmudug uu ka socdo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Goobjoog News