U bood dhigaalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Safar Ugu Ambabaxay Taliyaaniga, Isagoo Tagi Dalal Kale

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa safar shaqo ugu amba baxay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdigiisa oo casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Talyaaniga ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Roma waxaa ay kulamo la qaadan doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga iyo hoggaanka kale ee dalkaas.

Safarkaan waa safarkii labaad oo guddoomiyaha ugu ambabaxo wadamo ku yaallo qaaradda Yueyb, waxaana wararku ay sheegayaan in guddoomiye Aadan Madoobe safarkiisa uu qaadan doono waqti fog, isaga oo tagayo wadamo kale duwan oo reer Yurub ah.

Goobjoog News