U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayay Dagaalka Al-shabaab oo Ka Dhacay Deegaanka Lambar Konton

Sheeko:Dalka

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlay dhameystirka dagaalka Al-shabaab oo lagu qabtay degaanka Lambar-Konton ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Kulankaas waxaa soo agaasimay maamulka Gobolka Sh/Hoose, waxaana ka soo qeyb galay saraakiil ka soctay talisyada guutooyinka 14-ka October, kumaandooska Gor-gor iyo Nabad sugida Qaranka ee NISA iyo saraakiil xoogga ag.

Guddoomiyaha maamulka deegaanka Lambar-Konton Maxmed Maxamuud Abuukar oo kaalin muhiim ah ku lahaa qaban-qaabada howgallada ka dhanka ah Al-shabaab ayaa saraakiisha kaga mahaceliyay guulaha laga gaaray la dagaalanka.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa laga soo saaray go’aano dhowr ah, waxaana kamid ahaa in la kordhiyo weerarada ka dhanka ah Al-shabaab, iyadoo saraakiisha ciidamada la faray inay yeeshaan xiriir dhow oo siwanaagsan ay ula shaqeeyaan ciidanka.

Goobjoog News