U bood dhigaalka

Madaxweyne Laftagreen oo Ku Dhawaaqay in Wajiga Labaad Ee Dagaalka uu Bilaabanayo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda gobolleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ka qeybgalayay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay dar-dargalinta howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ayaa sheegay in gabagaba uu marayo wajigii koowaad ee dagaalka dhawaana deegaannada koonfur Galbeed iyo jubbaland uu ka billaaban doonno howlgalka wajigiisa 2-Aaad.

Madaxweyne Laftagareen ayaa xusay in wajiga labaad uu isku mar ka bilaabanayo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kadib marka laga soo dhamaado Galmudug iyo Hishabeelle oo gabagaba maraya ” Wajiga koobaad gabagabuu marayaa, waxaana bilaaban doono sida qorshaha iyo balantu aheyd wajiga labaad oo ka bilaabanayo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland”.

Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku dheeraaday sida waajibka ugu tahay dhammaan shacabka degaannada Koonfur Galbeed ka qey qaadashada dagaalka degaannada maamulkaas looga xoreynayo khawaarijta,isagoo sarakiisha iyo dhammaan ciidanka faray in ay u diyaar garowaan wajiga 2-aad howlgalka laga billaabay Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa dhanka kale ku bogaadiyay ciidamada Xoogga dalka guulaha waweyn ay kasoo hooyeen howlgallada dalka looga xoreynayo Al-shabaab, kaas deegaanno badan looga saaray oo dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Kulankaan oo ka qabsoomay magaalada Baydhabo waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Qalab sida xubno ka socoday maamulka koonfur Galbeed, waxaana siweyn loogu gorfeeyay bilaabashada dagaalka Al-shabaab iyo sidii loosoo gabagabeyn lahaa abaabulka iyo diyaar garowga socda.

Goobjoog News