U bood dhigaalka

Qarax Lagu Dilay Askar oo Ka Dhacay Degmada Baladxaawo Ee Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaarayo degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in qarax ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaacaw oo soo gaartay askar ka tirsan xoogga dalka.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka la galiyay ayaa haleeshay gaari ay lahaayeen ciidanka amniga degmada, kaas oo ahaa nuuca loo yaqaano Cabdi Bilaha, waxaana inta la xaqiijyay ku dhintay laba askari, halka sidoo kale ay jiraan dhaawaca tiro kale.

Guddoome ku-xigeenka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Isaaq Al-qaadi oo la hadlay laanta VOA-da ayaa sheegay in aysan jirin khasaare soo gaaray dad shacab ah, waxaana uu tilmaamay in goobta ay tahay suuq laga kala guuray oo aad u camirneyn.

Gobolka Gedo ayaa marar badan waxaa ka dhacay qaraxyo miino, kuwaas oo lala eegtay asar iyo mas’uuliyiin dowladeed, waxaana inta badan mas’uuliyadda qaraxa sheegtay Al-shabaab oo dagaal kulak u jirta ciidanka dowladda iyo kuwa Midowga Africa.

Goobjoog News