U bood dhigaalka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminaayo oo Gaaray Dalka Masar

Sheeko:Dalka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa la wareegi doona hogaaminta kal-fadhiga 70-aad ee kulan weynaha Hay’adda Caafimaadka aduunka WHO/ Xafiis Goboleedka EMRO.

Madasha ayaa looga hadli doonaa sidii amba qaadi lahaa hiigsiga horumarinta Caafimaad guud ahaan Bariga iyo bartamaha iyadoo la hubinayo gaarsiinta Caafimaadka dhamaystiran guud ahaan gobolka.

Goobjoog News