U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Booqday Ciidanka Ku Tababaranaya Dalka Eritrea

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa maanta kormeeray xeryaha ay tababarka ku qaadanayaan ciidamada Badda iyo Cirka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo warbixinno ka dhageystay sarakiisha ciidanka ayaa ku bogaadiyay dal jacaylka, dhabar adeyga iyo kartida ay muujiyeen muddada ay tababarka ku jireen, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan sidii ay u garab siin lahaayeen halyeeyada kale ee ciidamada qaranka ee ku jira dagaalka.

Ciidankaan ayaa lagu wadaa in dalka ay dib ugu soo laabtaan, kadib tababar dheer oo ay ku qaateen halkaas, waxaana safarka madaxweynaha uu ku tagay dalkaasi uu kusoo aadayaa xilli ciidanka lagu tababaray Eratariya ay kaalin weyn ka qaateen dagaalka Al-shabaab looga saaray deegaannada Hirshabeelle.

Goobjoog News