U bood dhigaalka

Milatariga Israel iyo Ururka Xamaas oo Isku Horfadhiya Sedex Jiho oo Banaanka Qaza ah

Dagaallada hubeysan ayaa weli ka socda saddex goobood oo waaweyn oo ku yaalla koonfurta Israa’iil, kuwaas oo u dhexeeya dagaalyahannada Xamaas iyo ciidammada Israa’iil, kuwaas oo ka dhacay Kibbutz ee Karmiya, iyo magaalooyinka Ashkelon iyo Sderot.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in kooxdan ay ku hayaan in ka badan 100 Israa’iiliyiin ah oo ku xiran Qaza, kuwaas oo kooxda gacanta u galay, kadib weerarkii lagu qaaday Koonfurta Israel maalintii sabtida aheyd oo weerar lagu ekeeyay.

 Diyaarada aan duuliyaha laheyn ee Israel ayaa wali sii wada duqeymaha k u dhacaya gudaha magaalada Qaza ee rayidku degan yahay, waxaana kasoo horjeeda dagaalamayaasha kooxda oo ay isku hayaan ilaa sedex goobood oo Koonfurta Israel dhacda.

Milatariga Israa’iil oo la kulmay weerarro  aad u adag  oo ku guul daraystay in ay ka hortagaan weerarka, ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen inta badan xudduudda Gaza, ay dileen boqolaal qof, tobanaan kalena ay maxaabiis ahaan usoo qabteen.

Warbixin uu qoray wargeyska Wall Street Journal ayaa lagu sheegay in Iran ay ka caawisay Xamaas inay qorshayso weeraradeeda lama filaanka ah ee ka dhanka ah Israa’iil dhamaadkii Isbuuca, laakiin howlgalka Iran ee Qaramada Midoobay.

“Waxaan si adag u garab taaganahay taageerada aan kala go’a lahayn ee Falastiin, si kastaba ha ahaatee, kuma lug lahayn jawaabta falastiin sida ay u qaadato Falastiin lafteeda,” howlgalka Iran ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wargeyskaan.

Dad gaaraya 2.3 oo malyan oo reer Falastiin ah ayaa ku nool Qasa. Ka hor duqeynta Israel ayaa Sabtidii u digtay dadka halkaa ku nool oo ay ku war gelisay in ay isaga baxaan aaggaas oo ay sheegtay in ay ka fulin doonto weerar aargoosi lagu yiri.

Goobjoog News