U bood dhigaalka

Wasaaradda Difaaca Israel oo Shaaciyay Tirada Ciidamada uga Dhimatay Dagaalka

Milatariga Israel ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khasaaraha ciidanka ee soo gaaray, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qaza maalintii sabtida, kaas oo sababay dheerida in ka badan 1000 qof oo shacab labada dhinac ah sida laga helayo xarumaha caafimaad.

Bayaan laga soo saaray wasaardda difaaca Israel ayaa sheegay liis Cusub  oo ay ku qoran yihiin geerida Magacyada 16 askari oo la dilay,kuwaas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigayso 73 askari, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca oo soo saartay bayaanka.

Hadalka kasoo baxay Israel ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Xamaas ay soo bandhigeen sarkaal sare oo ka tirsanaa milatariga, kaas oo magaciisa lagu sheegay Nimrod Aloni kadib iskahorimaadka Gaza ee ku bilowday gantaalaha lagu garaacay Waqooyiga iyo Koonfurta.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Sabtidii sheegay in dalkiisu uu dagaal culus kula jiro Xamas, hase ahaatee warkaasi muu ahayn mid rasmi ah, golaha wasiirrada ayaa rasmi ah ugu codeeyey go’aanka ku dhawaaqista dagaalka, kaas oo rasmi noqday.

Xamaas ayaa wali sii wada goobaha ay beegnayaan ee dadka Yuhuudda ah, waxaana habeenimadii xalay la weeraray goob ay ka socotay xaflad, taas oo ay ka dhasheen khasaare xooggan, waxaan sidoo kale socda duqeymo ay geysanayaan diyaarada dagaalka Israel.

Ciidamada Difaaca Israel ayaa sheegay in si taxaddar leh ay saaka u eegayaan xaaladda goobaha ay ku dagaallamayaan Xamaas.Ma jirto deegaameyn ka socota magaalooyinka waqooyiga Israel, laakiin dadku halkaa way isaga baxayaan, si ay uga baxsadaan duqeymaha.