U bood dhigaalka

Dowladda Giriigga oo Ka Digeysa Dagaalka Israel Inuu Sababi Karo Kororka Tahriibka

Xilli Israa’iil sii kordhisay go’doominta ay ku hayso marinka Qaza, isla markaana ay sare u kacday suurto-galnimada dagaal wakhti dheer socda, ayaa dawladda Giriigu waxay sheegtay in laga cabsi qabo qulqulka muhaajiriin cusub oo ka soo cararaya colaadda ka socota Marinka Qaza.

Sarkaalka ugu sareeya dhinaca socdaalka ee dalka Giriiga ayaa ka digay in colaaddan ugu dambaysay ay sare u qaadayso tirada muhaajiriinta, taas oo ay hore Qaramada Midoobay u sheegtay inay Falastiiniyiintu ay kaalmaha hore kaga jiraan.

Wasiirka socdaalka ee dalka Giriiga Dimitris Keridis ayaa ka digay, in xataa ka hor intii aanay rabshadahan ugu dambeeyey bilaaban, in dalkiisa Giriigu uu la tacaalayey tiradii muhaajiriinta sharci-darrada ahayd ee ugu badnayd ee ay arkaan sannadahan.

Wasiirka ayaa ka digay in xiisadaha cusub ee ka jira Bariga Dhexe, inay mar walba culayska dhinaca muhaajiriinta ku sii kordhinayaan dalkiisa, kuwaas oo doonaya inay u gudbaan dalalka Midawga Yurub. Wuxuu si gaara farta ugu fiiqay haddii Iran ay ku lug yeelato xiisaddan cusub, iyada oo ay marka horeba xaalado kala duwani ay ka jiraan Lubnaan, Masar iyo Liibiya.

Si la mid ah dalalka Spain iyo Italy, dalka Giriiga ayaa isaguna culays badan kala kulma dhinaca muhaajiriinta, waxaana sannadkan la diiwaangeliyey in tirada muhaajiriinta sharci-darrada ahi ay labanlaabmeen marka la barbardhigo sannadkii hore.

Goobjoog News