U bood dhigaalka

Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Safar Ku Maraya Deegaanno Dhaca Mudug

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safarro ku maraya deegaanno dhaca Koonfurta gobolka Mudug, kuwaas oo dhowaan laga saaray Al-shabaab, si ay ugu kuurgalaan xaaladaha ka jira deegaannadaasi.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulkaadir Maxamed Nuur iyo xubno kale ayaa gaaray magaalada Bacaadweyne ee Koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyay wafdiga madaxweyne.

Madaxweynaha oo bulshada magaalada Bacaadweyne kula hadlay goob fagaaro ah ayaa sheegay in deegaanka dhowaan lagu dhawaaqi doono degmanimadiisa, waxaana uu ugu baaqay bulshada iyo ciidanka deegaanka in laga wada shaqeeyo amniga iyo sidii loo dhameystiri lahaa howlgallada.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa Bacaadweyne kaga sii gudbay magaalada Camaara oo aan sidaas kaga fogeyn Bacaadweyne, waxaana halkaas kusoo dhoweeyay bulshada deegaanka oo laga arkayay sida ay ugu hamuun qabaan dowladnimada, iyaga oo calamo ruxaya ayey taagnaayeen waddooyinka.

Madaxweynaha ayaa guul ku tilmamay in Al-shabaab laga saaray inta badan gobolka Mudug, waxaana uu ugu baaqay bulshada in ay ka wada qeyb qaataan sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin Koonfurta gobolka Mudug, oo ay ka socdaan abaabul iyo diyaar garow intaba.

Xubnaha wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiir wasaaradda Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur  iyo wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Shiikh  Al-cadaala iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada goledowlad goboleedka Galmudug iyo saraakiil.

Madaxweynaha Galmudug safarka uu ku tagay Bacaadweyne iyo Camaara ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Koonfurta gobolka Mudug ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo looga saaray deegaanno dhaca gobolka Mudug intiisa oo galay gacanta dowladda iyo dowlad goboleedka Galmudug.

Goobjoog News