U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug iyo Mas’uuliyiin Difaaca oo Kormeeray Fariisimaha Ciidanka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye iyo wasiirka gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan wasiir kuxigeenka Warfaafinta Al cadaala iyo masuuliyiin kale ayaa kormeeray rugaha Ciidanka ee koonfurta gobolka Mudug oo socdaal ay ku marayaal.

Wasiirka gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay cutub ka tirsan Guutada 27aad ee Abuu dujaana ee qeybta ka ahaa xoreynta Magaalooyinka muhiimka ah ee Koofurta Mudug ayaa ku amaaney in ay furimaha kusii nagaadeen xili fasax gaaban la siiyey ururadii kale ee guutada.

Madaxwaynaha Galmudug ahmed Cabdi kaariye QoorQoor ayaa sidoo kale ciidankan ku amaaney go’aanka ay ku difaacayaan dadkooda, dalkooda, iyo diintooda, waxaana la sheegay in la joogo xilligii loo midoobi lahaa dagaalka ka dhanka Al-shabaab oo hadda ka socda deegaannada maamulka Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo safar ku maraya deegaannada dhaca Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxaa uu booqday magaalooyinka Camaara iyo Bacaadweyne oo dhowaan laga saaray Al-shabaab, isaga oo halkaas kula hadlay shacabka magaalooyinkaas uu ka dalbaday in ay qeyb ka qaataan howlgallada.

Maamulka Galmudug waxaa si xowli uga socda howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, oo Koonfurta gobolka Mudug looga soo saaray deegaanno dhowr ah, waxaana lagu wadaa in bariga gobolka Galgaduud laga bilaabo oo ay dowladdu ku daabushay ciidankii ugu badnaa ee duulaan qaaday abid.

Goobjoog News