U bood dhigaalka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Shir Guddoomiyed Shirka 70-aad EMRO 2023

Sheeko:Dalka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda ferderaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden ayaa shir gudoominayay kalfadhigii 70-aad ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO sanadkaan 2023.

Shirka oo looga hadlay sidii loosii amba qaadi lahaa hiigsiga horumarinta Caafimaadka, guud ahaan Bariga iyo bartamaha, iyadoo la hubinaayo gaarsiinta Caafimaad dhamaystiran guud ahaan gobolka dhowr wadan ayaa ka qeybgalaya.

Shirkaan oo ka dhacay Caasimadda Masar ee Qaahira ayaa waxa ka qeb galay Madax kalla duwan oo ka socday dalalka caalamka iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar Ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada xukuumadda ferderaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden oo khudbad dheer ka jeediyay kulanka ayaa ugu horeyn sheegay Inu aad uga walaacsan yahay xaaladda ka taagan dhulka falastiin isagoo ku baaqay in la joojiyo colaadda islamarkaana la ilaaliyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Sidoo kale wasiirka ayaa ka warbixiyay horumaradda laga sameeyay dhanka caafimaadka dalkeena maadama bulsho waynta Soomaaliyeed muhiimad gaar ah u leeyahay adeeg Caafimaad oo tayo leh iyadoo la raacayo nidaamka hirgilinta adeegga caafimaad oo loo dhan yahay.

Shir weynahaan ayaa inta uu socdo waxa looga hadli doona mowduucyo kalla duwan oo muhiim ah iyado lasoo gabagabeyn doono maalinta khamiista, halkaas oo looga soo saari doono war-murtiyeed ku saabsan go’aannadii lagu gaaray sanadkaan shirka.

Goobjoog News