U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Marocco Kula Kulmay Ku-xigeenka Hey’adda MIGA

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaaalda Marrakesh ee dalka Morocco ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Hey’adda Ceymiska Maalgashiga Caalamiga ah ee magaceeda loo soo gaabiyo (MIGA).

Kulanka uu Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka MIGA Mr. Junaid Ahmed ayaa looga hadlay sida Soomaaliya ay usoo jiidan laheyd indhaha maalgashiga caalamiga ah iyagoo laga faaiideysanayo caymiska iyo dammaanad qaadka Hey’adda.

MIGA ayaa ka mid ah hey’adaha   hoostaga Bankiga Adduunka uuna maalgeliyo, kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha Ceymiska, waxaana ay ka howlgashaa dalal kale duwan oo caalamka ah, kulankaan ayaa imaan xilli dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso in ay hesho Maalgashiyo.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan  Magaalada Maraakish ee dalka Boqortooyada Morocco, halkaas oo sanadkan lagu qabanayo shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo hey’adda IMF.

Goobjoog News