U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda oo Howlgallo Ka Wada Deegaanno Hoostaga Degmada Mahadaay

Sheeko:Dalka

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgallo aniga xaqiijin ah waxaa ay ka wadaan deegaanka Ciid Ciidka oo hoostaga magaalada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe oo maalmaaha n dagaallo iyo duqeymo ay ka socdeen.

Howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminayo Taliyaha ciidanka dhulka G/Sare Dayax Cabdi Cabdulle waxaana ciidanku ay isku ballaariyeen Ciid-ciidka iyo Cali-Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Dhulka howdka ah ee howlgalkaani uu maanta ka socdo waxaa maalmihii lasoo dhaafay laga saaray Al-shabaab  waxayna ciidamadu ka saareen miinooyin la sheegay in lagu aasay sida ay sheehayaan wararka laga helayo halkaasi.

Ciid-ciidka iyo Cali-Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay ayaa ah dhul howd ah oo ay  ku yalla Jiinka Wabiga waxaana muddooyinkii dambe aaggaan ka dhacayay dagaal u dhaxeeya ciidanka huwanta ah iyo kuwa Al-shabaab.

Goobjoog News