U bood dhigaalka

Ciidan Gorgor iyo Kuwa Deegaanka ah oo Dib Ugu Laabtay Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo amababaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray degmada Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha, ciidankaan ayaa hadafkooda waxaa lagu sheegay in ay dib ugu laabtaan degmooyinkii ay hore usoo baneeyeen bil ka hor, kadib weerarkii Cowsweyne.

Ciidankaan ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa ka tirsan Kumaandooska Gorgor oo ay kaabayaan ciidamo deegaanka ah oo u badan kuwa laga abaabulay Beelaha dega Ruunnirgood  iyo deegaannada ku xeeran ee gobolka oo dhaca xadka gobolka Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud.

Wararka ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka ay uga sii gudbi doonaan Ruunnirgood gobolka la dariska ah ee Galgaduud, gaar ahaan magaalooyinka Galcad, Masagawaa iyo Ceeldheer oo dhaca bariga gobolka, kuwaas oo muddooyinkii dambe aysan ku sugneyn ciidanka dowladda.

Dowladda ayaa badashay qorshihii hore ee ciidanka, kaas oo markaan lagu daray ciidan badan oo kuwa deegaanka ah, kuwaas oo joogaya deegaannada laga saaro Al-shabaab, ciidanka ayaa soconaya ilaa ay ka gaaraan degmada Ceelbuur oo ah halka ay ku kulmaan ciidanka kale duwan.

Degmooyinka dhaca bariga Galgaduud ayaa ahaa kuwa haawanayay muddooyinkii dambe, xilli ciidan ka ambabaxay ay Muqdisho kuna sii jeeday Xarardheere ay safar dhulka ah ay ku mareen iyaga oo maalin joogay degmada Ceelbuur, ugana sii gudbay halkii ay ku socdeen ee Mudug.

Taliska xoogga dalka ayaa dhowaan ku dhawaaqay in lasoo gabagabeeyay dib u habeyn lagu sameynayay ciidanka, waxaana sidoo kale soo dhammaaday sidoo kale fasax ay ay ciidanku ka heleen madaxweynaha Jamhuuriyadda, kadib weerarkii ka dhacay deegaanka Cowsweyne.

Ciidankaan u ambabaxay Bariga gobolka Galgagduud ayaa kusoo aadaya xilli dhaqdhaqaaqyo ay ka socdaan dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, kaas oo u jeedkiisu yahay sidii loo soo gabagabeyn lahaa howlgalka wajiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shbaab.

Goobjoog News