U bood dhigaalka

Hoggaamiyaha KMG SSC oo Soo Dhoweyn Loogu Sameeyay Xarunta Gobolka Banaadir

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo Aqalka Dowladda Hoose ee kulan  Soo dhaweyn ah u  sameeyay Hogaamiyaha Maamulka KMG ee SSC Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Fardhiye) oo ku sugan magalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madax ka socotay Maamulka KMG ee SSC Khaatumo, Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale ee lagu casuumay kulanka ka dhacay xarunta gobolka.

Hogaamiyaha Maamulka KMG ee SSC Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Fardhiye) ayaa magaalada caasimadda ah waxaa uu kula kulmay madaxweyunaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud isaga oo kala hadlay arrimo dhow ah oo ku aadan xaaladda deegaannada SSC Khaatuma.

Mas’uuliyiinta ka socota maamulka KMG ah ee Khaatuma ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa caasimadda xilli ay kulamo kale duwan ay la qaateen madaxda ugu sareysa dalka, waxaana ay kala hadleen xaaladda deegaanka iyo sida ay  suurta gal ku tahay in maamulka Khaatuma uu ka baxo KMG oo uu noqdo maamul buuxa iyo dowlad goboleed.

Goobjoog News