U bood dhigaalka

Qaar Kamid Sawirrada Muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Xusaya 14-Ka October

Sheeko:Dalka

Waa qaar kamid ah dhallinta caasimadda, kuwaas oo 6 sano kadib isugu soo baxay isgoyska Soobe si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan xusuusta wixii halkaas ka dhacay 14-kii October sanadkii 2017-kii oo lagu wayaay qarax ka dhacay in ka badan 600 oo ruux iyo dhaawaca 1300 muwaadiniin Soomaaliyeeda.

7 sano kadib, hadda waxaa madaxweyne ka ah Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana socda dagaal ka dhan ah Shabaab, kaas oo looga saarayo Galmudug iyo Hirshabelle, waxaa laga qabsaday magaalooyin qadiimi ah sida Aadan Yabaal Xararardheere iyo kuwa kale oo dalka ah.

amniga Muqdisho; Bishii April ee sanadkan kahor, labo dhib ayaa ka taagnaa caasimadda kuwaas oo kala ahaa weerarrada Shabaab iyo Cayaal Weerada. Si arrimahaan wax looga qabto, waxaa la howlgeliyay ciidamo gaar ah kuwaas oo lagu soo tababaray dalka Uganda.

Goobjoog News