U bood dhigaalka

Ciidamo Tabarka Ku Qaatay Dalka Eritrea oo Kusoo Wahan Muqdisho iyo Doorkooda Dagalka

Sheeko:War

Xilli dhowaan madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud uu safar ku tagay dalka Eritrea ayaa waxaa la sheegayaa in la bilaabayo soo daad-gureynta askarta ku sugan ee muddo tabarro kale duwan ku qaadanayay gudaha dalkaasi, oo qeyb ka xoogga dalka.

Waxaa lagu wadaa in magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay soo gaaraan qaar kamid ah asarta  kadib markii ay soo dhameysteen tabar muddo ay ku qaadanayeen halkaasi, ciidankaan ayaa isugu jira ciidanka cirka iyo iyo badda oo loo tababarayay  dowladda Soomaaliya tan iyo sanadkii 2018.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ciidankaan kula hadlay magaalada Asmara ayaa u sheegay in looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo wajigiisa koowaad uu gabagabo marayo, halka wajiga labaad looga dhawaaqay maamulka Koonfur Galbeed .


Ciidankaan ayaa racooda koowaad waxaa la filayaa in caawa ay soo gaaraan Muqdisho  sida aan ku helnay warar hoose, Eritrea ayaa heshiis dhanka difaaca iyo tabarrada ciidanka waxaa ay kula jirtaa dowladda federalka Soomaaliya, waxaana dalkaas ku sugan ciidamo hor leh oo tababar ku qaadan.

Dufcadda 1-aad ee askarta ku tababaratay dalka Eritrea ayaa waxaa lagu tilmaamayaa in ay gaaraan tiro ahaan 5000 oo askari, kuwaas oo 3000 oo kamid ah ay yihiin ciidanka Milatariga, halka qeybaha kale ay isugu jiraan ciidanka badda iyo kuwa cirka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Eritrea ayaa inta badan waxaa lagu tilmaamaa dalalka ugu tabarka fiican marka la eego ciidanka Milatariga, waxaana dowladda uu hoggaamiyo Isaias Afwerki  ay dowlado badan oo Afrika ah ay u tababaraan ciidamo, waxaana taas badelkeeda dowladahaas ay bixiyaan kharasahaad

Sanadkii tagay 2022 madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya oo safar ku tagay dalkaas ayaa dib usoo celiyay 3000 oo askari oo tababar kusoo qaatay Eritrea, waxaana hadda ay kaalin weyn uga jiraan dagaalka dowladda federalka Soomalaiya ay kula jirto Al-shabaab.

Goobjoog News