U bood dhigaalka

Masar oo Ogolaatay Furista Marinka Rafax Si Gargaarka Banii’adannimo Ee Qasa u Maro

Antony Blinken  Xoghayaha Arrimaha Debedda Maraykanka ayaa Axaddii sheegay in dib loo furi doono Marinka Rafah ee ku yaalla xuduudda Gaza, kaas oo ay maamusho Masar, si looga gudbiyo gargaar u socda magaalada Qasa oo todobaadkii labaad weerarro ay ku socdaan.

Xoghayaha ayaa sheegay inay kala shaqaynayaan Masar, Israell iyo Qaramada Midoobay, sidii gargaarka loo marin lahaa marin xuduudeedkan, kaas oo muddooyinkii dambe xirnaa, waxaana furitaankaan uu ku soo aadayaa xilli Masar iyo Turkiga hore uga wadahadleen Marinkaan.

Madaxweynaha Masar Abdifatah el-Sissi ayaa u sheegay xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka, in Israel ay u falcelisay si aan isku dheeli-tirnayn, iyada oo qaaday weeraradii cirka ee ugu cuslaa lagu qaaday marinka Qasa, kaas oo dhimasho iyo dhaawac badan sababay.

“Falcelinta Israell, si weyn ayay uga duwan tahay, xaqa is-difaacidda, waxayna keentay inay si wadar ah u ciqaabto in ka badan 2.3 million oo qof oo ku nool marinka Gaza,” ayuu yidhi madaxweynaha Masar oo shir jaraa’id la qabtay xoghayaha arrimaha debedda Maraykanka.

Boqolaal ton oo gargaar bini’aadannimo ah oo ka kala yimi dalal kala duwan ayaa maalmahanba ku xayirnaa gacanka Siinaay ee Masar, kuwaas oo ka war-sugayey heshiis dhex mara dhinacyada ay arrintani khusayso, si loo helo marin ammaan ah oo la mariyo gargaarka.

Masar ayaa sheegtay inay kor u qaaday dedaallada diblomaasiyadeed ee wax lagaga qabanayo ismari-waaga taagan, kaas oo sababay in todobaadkii labaad weerar ay Israel ka wado marinka Qasa, waxaa sidoo kale dheer in dhinaca Xamaas ay wali Gantaalo ku garaacayaan Israel.

Maraykanka ayaa Axaddii u magcaabay David Satterfield inuu noqdo ergeyga Maraykanka ee hawlaha gargaarka bani’aadanimo ee bariga dhexe, isaga oo hoggaamin doona, sidii looga jawaabi lahaa xaaladda bani’aadanimo ee ka taagan marinka Gaza.

Goobjoog News

 

 

 

Like

Comment

Share