U bood dhigaalka

Maxaa Ka Run ah Heshiiska Masar, Maraykan iyo Israa’iil Ee Ku Saabsan Xabbad-joojin iyo gelinta Gargaarka Qasa?

Maraykanka, Israa’iil iyo Masar ayaa ku heshiiyey xabbad-joojin ka dhacda koonfurta Marinka Qaza, si gargaar loo gaadhsiiyo dadka ay dhibaatadu saamaysay, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters.

Reuters ka soo xigatay ilo dhinaca ammaanka ah oo Masar ka tirsan, balse dawladda Israa’iil ayaa beenisay inay wax heshiis ah gaadhay. Wakaalada wararka ee Reuters ayaa tilmaamtay in heshiisku uu dhaqan gali doono lixda subaxnimo ee saacada GMT, si gargaar looga keeno Masar.

Wakaaladda oo soo xiganaysa xafiiska warbaahinta Xamaas ayaa sheegtay in aysan wax war ah ka haynin heshiis ku saabsan xabbad joojin bini’aadantinimo.

Ka dib, Isniintii Saakay Oo isniinaa waxay beenisay jiritaanka xabbad joojin ka socota koonfurta Marinka Gaza, nus saac ka dib markii ilaha ammaanka ee Masar ay ku dhawaaqeen in heshiiskan la qorsheeyay in la fuliyo.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatay bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kaasoo lagu yiri: “Hadda wax xabbad joojin ah ama gargaar bini’aadannimo oo Gaza ka jira ma jiro oo lagu beddelanayo in ajaaniibta laga saaro.”

@Goobjoog News