U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah Ku Ridday Nin Hooyadii Ku Dilay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Maxkamadda Magaalada Kismaayo ayaa saaka shaacisay xukun dil ah oo ay ku ridday 29 bishii 8aad ee sannadkaan Xasan Cabdullaahi Cabdi oo 11-kii bishii 6-aad Magaaladaas ku dilay hooyadiis lagu magacaabi jiray Xaliimo Maxamed Cumar.

xukunka dilka ah ayaa maxkamaddu sheegtay in maalmaha soo socda la fulinayo, wiilkaan ayaa la sheegay in dibadda laga soo celiyay waxaana geeyay xarun dadka lagu dhaqan ciyo, taas oo keentay khilaafka isaga iyo hooyadii dhashay uu dilay.

Goobjoog News