U bood dhigaalka

Reer Galbeedka oo Ka Walaacsan in Iran Ku Soo Biirto Dagaalka Marinka Qasa Ka Socda

Xilli xiisadda ka dhalatay weerarka Iseal ee Qasa ay sii kordheyso ayaa waxaa soo baxaya walaac reer Galbeedka iyo Mareykanka ay ka qabaan in dowladda Iran ay kusoo biirto dagaalka, iyadoo ciidanka dalkaas heegan buuxa la galiyay.

Iiraan ayaa sheegtay in haddii Israa’iil aysan joojin “dagaalka iyo xasuuqa”, ay xaaladdu faraha ka bixi karto ayna ka dhalan karto cawaaqib xumo ba’an oo aan la mahdin, waxaana arrintaan ay u muuqan goodin ay Iran u dirayso Israel.

Iiraan ayaa intaas ku dartay in mas’uuliyadda hubinta inaysna xaaladdu kasii darin ay la taallo Qaramada Midoobay, Golaha Ammaanka iyo dalalka qaar, xilli ay wadamo dhoer ah ay cabaareeyeen xaaladda ka taagan Qasa iyo duulaanka Israel.

Goor sii horreysay, wuxuu kulan magaalada Dooxa ku dhex maray hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniya iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Hossein Amir-Abdullahian, isaga oou ballan qaaday in si buuxda ay u garab taagan yihiin dhankooda.

Amir-Abdullahian ayaa ammaanay weerarka Xamaas ay ku qaadday saldhigyada Israa’iil toddobaad kahor isagoo ku tilmaamay “guul taariikhi ah.” Taas oo lagu hakiyay weerarka duulaanka Israel eek u damacsan tahay qabsashada Qasa.

Duulaanka dhulka ee Israel ku qaadayso Qaza “wuxuu horseedi karaa xasuuq aan horay loo arag”, madaxda Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika ayaa bayaan wadajir ah ku sheegay in loo baahan yahay  Qaramada Midoobay tallaabo ay qaado.

Goobjoog News