U bood dhigaalka

Madaxweynaha Mareykanka oo Booqanaya Israel, Iyadoo Duqeymo Laga Fuliyay Rafax

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacada bari ah booqan doona Israel, sida uu ku warramay xoghayaha arrimaha dibedda Antony Blinken, oo kulamo is-daba joogo ah la yeeshay ra’iisul wasaaraha Israel iyo madaxda wadamada Carabeed.

Biden ayaa booqashadiisu imaanaysaa xillim duqeymo hor leh ay ka dhaceen Israel oo ay gantaalo ku garaaceen Ururuka Xamaas, xilli diyaaraha Israel ay deqeymo ka geysteen marinka Rafax oo uu ka gudbayay gargaarka Banii’aadannimo.

Magaalada Washington, afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Jonh Kirby ayaa u sheegay weriyayaasha in Biden uu booqan doono Tel Aviv, uuna isla maalintaas tegi doono Amman, Jordan, halkaasi oo uu kula kulmi doono Boqor Cabdallaha dalka.

Madaxweynaha  Mareykanka ayaa sidoo kale booqan doona dalka, isaga oo kulamo la qaadan doono hoggaamiyaha   Masar Abdifatah el-Sisii iyo madaxweynaha Maamulka Falastiin Mahmoud Abbas, isaga oo muhiim u arka kulanka madaxdaan.

Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne Biden uu xoojin doono in Xamas aysan u taagneyn xuquuqda dadka Falastiin u leeyihiin sharaf iyo aayo ka tashigooda, uuna sidoo kale ka hadli doono baahida bani’aadannimo ee magaalada Gaza.

Blinken ayaa sheegay in xal suurta-gal ah laga gaaray in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo Falastiiniyiinta ku go’doonsan Marinka Gaza kadib kulan socday toddoba saac iyo bar, oo uu la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

“Maanta, ayada oo la eegayo codsigeena, Mareykanka iyo Israel waxay ku heshiiyeen in ay horumariyaan qorshe suurta-gelinaya in gargaarka bani’aadannimo ee ka imaanaya dalalka deeqaha bixiya iyo ururada caalamiga ah uu gaaro rayidka Gaza” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in gargaarka uu sida ugu dhaqsaha badan ku gaaro Gaza, balse waxa uu walaac ka muujiyay in Xamas ay isku dayaan in ay la wareegaan saadka ama ay ka hortagaan qaybintooda iyo in ay muhiim tagay in ay gaaraan dadka rayid ka ah.

Israel ayaa 300,000 oo askari soo dhuubtay xadka Gaza, kuwaas oo u diyaar garoobaya duulaan dhulka ah, iyadoo wacad ku martay inay baabi’in doonto Xamas, waxaana dhankooda ay sii wadaan gantaalo ay ku garaacayaan Koonfurta iyo qeybo kamid ah caasimadda Tel Aviv.

Boqolaal kun oo reer Gaza ah ayaa u hoggaansamay amarrada Israel ee ah in waqooyiga Gaza looga guuro qeybta koonfureed ee Marinka ka hor weerarka la filayo, waxaana dhanka kale cabsi ay ka sii socotaa walaaca laga qabo inuu dagaalku uu sii socdo uuna sii ballaarto.

Goobjoog News