U bood dhigaalka

Wasiirka Cadaaladda XFS oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta Ee Ciraaq

Sheeko:Dalka

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shirka golaha cadaaladda ururka Jaamacadda Carabta ee ka furmay magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq.

Wasiirka khudbadiisa ku  ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliyeed ay diyaar u tahay in iskaashi Garsoor iyo Cadaaladeed ay la yeelato wadamada jaamacada Carabta, isaga oo tilmaamay in ay ka go’an tahay in garsoor iyo cadaald dhab ah ay helaan bulshada.

Mudane Xasan Macallim ayaa dowladda Qiraaq uga mahad celiyay martigelinta shirka ayaa qiray in dowladda Soomaaliyeed ay garab taagantahay Qadiyada Falastiin ayna ka xuntahay Ciqaab wadareedka iyo barakicinta lagu haayo shacabka Gaza.

Wasiirka ayaa sidoo kale khudbadiisa ku sheegay guulaha waaweyn ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka Al-shabaab, deegaanno badan oo laga xoreeyayna la gaarsiiyay adeegya garsoor iyo cadaaladeed buuxa.

Wasiirka ayaa gabagabdii  dhammaan wadamada uga mahad celiyay taageeradooda buuxda ee ay la garab taaganyihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo xilligaan ku jiro soo kabasho iyo dagaal dalka looga saarayo Kooxda Al-shabaab.

Goobjoog News