U bood dhigaalka

Muqdisho oo Laga Daahfuray Howlgelinta Xarunta Ka Hortaggga Fikirka Xagjirka ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay howlgelinta xarunta Qaran ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee hey’adda Tubsan oo Muqdisho laga higelayay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in la wiiqay awooddii Khawaarijta ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo ciidanka, taas oo keentay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen ay dib uga soo laabanayaan afkaartii ay argagixisadu ku shubeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Tubsan looga fadhiyo sidii ay u ciribtiri lahayd afkaarta gurracan sida uu hadalka u dhigay, isagoo ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay ay ka faa’iideystaan fursadaha cafiska ah ee ay dowladdu siinayso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay hoggaanka Tubsan in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya Al-shabaab ay baraan afkaar suubban oo ku saleysan nabadda iyo waddaniyadda, taas uu xusay in ay keeni karto in laga fogaado fikirkaas.

Munaasabadda Xarunta Qaran ee Tubsan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, Safiiro ka socday saaxiibada caalamka iyo marti sharaf kale, waxaana xarigga ka jaray ra’iisulwasaaraha Soomalaiya Xamse Cabdi Barre.

Goobjoog News