U bood dhigaalka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka shiraya dagaalka Iran iyo Israa’iil

Juun 21, 2025

Golaha wasiirrada Arrimaha dibedda dalalka Iskaashiga Islaamka ayaa magaalada Istanbul ku yeeshay shir ku saabsan xiisadda u dhexeysa Iran iyo maamulka Israa’iil, ayadoo dowladda Soomaaliya ay ka qeyb-gashay shirkaas oo qaadanaya muddo laba maalmood ah.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda cakiran ee u dhaxeysa Israa’iil iyo Iran, iyadoo la filayo in laga soo saaro baaq wadajir ah oo ku baaqaya xabbad-joojin si looga hortago xasillooni darrada gobolka.

Dhanka kale Wasiir Soomaaliya Cabdisalaan ayaa la filayaa inuu kulamo gaar ah la-yeesho dhiggiisa dalalka kale ee ka qeyb galaya shirkan, si loo xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay waddamada Islaamka.

Shirkan ayaa imaanaya iyadoo xiisadda u dhaxeysa Israel iyo Iran ay cirka isku shareertay, waxaana la rajeynayaa in dadaallada OIC ay horseedi doonaan xasillooni iyo nabad waarta oo ka hirgasha gobolka.