Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Difaaca Jamhuuriyadda Yugaandha, General Sam Okiding, oo booqasho ku jooga Muqdisho si uu uga qayb galo Shirka Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka ciidamadoodu ka howlgalaan Soomaaliya.
Kulanka ayaa qayb ka ahaa wada-hadallada Madaxweynaha uu la yeelanayo madaxda ciidamada ee ka soo qeybgalaya shirka, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, dardargelinta howlgalka lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada, iyo horumarinta wada-shaqeynta u dhexeysa Soomaaliya iyo dalalka taageera amniga iyo xasilloonida dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Yugaandha kaalinta ay ku leeyihiin taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha iyo tayeynta hay’adaha amniga, iyo ka qaybqaadashada dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Yugaandha, isaga oo xusay in iskaashiga labada dal uu door weyn ka qaato xasilloonida gobolka iyo guusha laga gaarayo dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada.
Shirka Taliyeyaasha Ciidamada ee ka socda Muqdisho ayaa la filayaa inuu horseedo is-afgaradyo lagu xoojinayo wada-shaqeynta ciidamada dalalka ka qeyb qaata howlgalka taageerada iyo xasilinta Soomaaliya, xilli dowladda Federaalka ay sii waddo dadaallada lagu adkeynayo amniga iyo dib u dhiska hay’adaha difaaca dalka.