U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Abiy Axmed

Oktoobar 5, 2026

Muqdisho, 5 Oktoobar 2026 — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kaddib markii Baarlamaanka Itoobiya uu dib ugu doortay xilka Ra’iisul Wasaaraha, isagoo bilaabay muddo xileed cusub oo shan sano ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay inuu Abiy Axmed u rajeynayo guul iyo horumar muddada cusub, isagoo xusay in Soomaaliya ay rajaynayso inay si dhow ula shaqeyso Itoobiya.

“Waxaan rajeynayaa inaan si dhow uga wada shaqeyno xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo horumarinta nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada wadaagga ah ee shucuubteena iyo Geeska Afrika.”


Hambalyada Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaysa xilli xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu galay marxalad cusub. Labada hoggaamiye ayaa 29-kii Sebtembar kulan ku yeeshay Addis Ababa, kaas oo looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, amniga gobolka iyo iskaashiga ganacsiga iyo diblomaasiyadda.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan sheegay in Soomaaliya aysan diidnayn in Itoobiya ay hesho marin ganacsi oo ay ku isticmaasho dekedaha Soomaaliya, balse arrintaasi ay tahay in lagu heshiiyo wadaxaajood rasmi ah oo labada dowladood dhex mara.

Dib-u-doorashada Abiy Axmed ayaa maanta si rasmi ah loo xaqiijiyey, waxaana uu dhaariyay Baarlamaanka Itoobiya si uu u hoggaamiyo dowladda federaalka muddo shan sano oo cusub ah.