Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ugu baaqay maamulka Puntland inuu ka waantoobo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo isku dhac ka abuuri kara magaalada Gaalkacyo, isagoo ka digay in xaaladahaani ay dib u soo celin karaan xasilooni darro iyo barakac ka dhaca xarunta gobolka Mudug.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Cumar Cabdirashiid ku naqdiyay dhaqdhaqaaqyada ciidamada Puntland ee Gaalkacyo, isagoo madaxda maamulkaas ugu baaqay inay ka fogaadaan isku dhac dhexmara ciidamada maamulka iyo kuwa deegaanka, waxaana uu yiri “Gaalkacyo maaha Calmiskaat, maamulku waa inuu joojiyaa isku dhac kasta oo aan cudurdaar sharci ah lahayn.”
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sheegay in hubka iyo dhaqaalaha loo weecinayo abaabulka ciidan ee Gaalkacyo ay yihiin kuwa hoos u dhigaya awooddii iyo dhaqaalihii loo baahnaa in lagula dagaallamo kooxaha argagixisada ah.
Wuxuu ugu baaqay madaxda dhaqanka, culimada, iyo mas’uuliyiinta dowladda in ay u istaagaan sidii looga hortagi lahaa xiisaddaan, iyadoo khilaafaadka lagu xallinayo wada-hadal.
Xiisaddaan ayaa soo if-baxday kadib markii Puntland ay dhawaan ka digtay in maamulka Galmudug uu u ogolaado hub iyo ciidamo inay sii maraan deegaannadiisa si ay u galaan dhulka Puntland maamusho.
Galmudug ayaa dhankeeda beenisay eedeymahaas, iyadoo caddaysay inay diyaar u tahay in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal.
Magaalada Gaalkacyo, oo u kala qaybsan dhanka waqooyi oo ay maamusho Puntland iyo dhanka koonfur oo ay Galmudug gacanta ku hayso, ayaa horay u soo martay xiisado beeleed iyo isku dhacyo hubeysan, waxaana dhaqdhaqaaq kasta oo ciidan oo halkaas laga dareemo uu yahay mid walaac dhaliya.