U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Nairobi shir Kula Yeeshay Wakiilla Hey’addaha Caalamiga ah

Sheeko:War

Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu kulan muhiim kula yeeshay qaar ka mid ah Safiirrada iyo Wakiilada dalalka deeqbixiyayaasha caalamiga ah.

Shirkaan ayaa loo looga wadahadlay arrimaha horumarinta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta oo haatan maraya heerkiisii ugu dambeeyay.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan ayaa kala hadlay madaxdii Hey’addaha uu la kulmay sidii Dowladda Soomaaliya ay u heli laheyd taageero ku filan kadib marka uu dhamaado hannaanka deyn cafinta Soomaaliya. Wasiir Biixi ayaa ku amaanay Wakiiladii iyo Safiiradii uu la kulmay doorkooda saaxibtinimo ee ay Soomaaliya la garab taagan yihiin.