U bood dhigaalka

Warbixin: Khasaaraha Nafeed iyo Midda Maaliyadeed ee Fatahaadahu Ka Geysteen Guud Ahaan Soomaaliya

In ka badan 10 ruux ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen fatahaado ka dhashay roobka deyrta oo ka da’aya guud ahaan Soomaaliya.

Khasaaraha keliya kuma koobna naf, ee kumannaan qoys oo deganaa jiinka webiyada Jubba iyo Shabelle oo u badan danyar ayaa wajahaya xaalad banii’aadamnimo iyada oo ay waxyeellada ay gaartay xoolahooda, dhul beereed, guryo iyo hanti badan oo ma guurto ah oo baaba’ay, biyahana harqiyeen tiiyo ay u dheertahay barakac.

Fataadaaha webiyada iyo daadadka ka dhashay roobababka mahiigaanka ah oo oo saameeyay Soomaaliya gees-ka-gees ayaa laga deyrinayaa deegaannada qaar, iyada oo kajwaabista iyo wax ka qabashada dhanka maamullada, hey’adaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ahba  ay u muuqato mid faraha ka baxday.

Goobjoog News, waxaa ay warbixintan ku eegeysaa sida Fatahaadaha iyo dadaadka ay u sameeyeen dadka iyo guud ahaan geyida Soomaaliya.

Gobolka Gedo oo ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ay roobabka keeneen daadad halka Webiga Jubba uu oodda jabsaday kuna fatahay deegaanno badan iyada oo dadkuna ay barakaceen isla markaana ay wajahayaan xaalad banii’aadnimo.

Tusaale ahaan, Magaalada Baardheere oo marin muhiim ah u ah isku xirka labad dhnac ee gobolka ayaa daadka iyo biyo baxada Wabiga Jubba ay kala jareen, waxaana gebi ahaanba go’day buundada Baardheere,taas oo biyuhu ay ka sare mareen, waxaana la arkayaa dadkii oo biyaha ka barakacay.

Bulshada degmada Baardheere oo intooda badan ku tiirsan wax soo saarka beerashada ayaa fatahaadda ku waayay dalaggii la beeray roobka ka hor, biyaha ayaa dhexqaaday dhulbeereed lagu qiyaasay 20 kun Hikter iyo dalagii lagu beeray xagaaga, taas oo nolosha dadka ciriiri galisay,  Baardheerana ka dhigtay mid go’doon ah.

Labo haween ah ayaa degmada Ceelwaaq ugu geeriyooday daad ka dhashay roob saacado badan ka da’ayay taasi oo sidoo kale keentay in ay deegaanno badan go’doomaan.

Magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo daadad xooggan oo ka yimid bannaanka iyo togaga sare ayaa buux dhaafiyay magaalada, taas oo xitaa kaliftay in garoonka diyaaradaha oo ahaa isha kaliya ee kaga degaan magaalada ay go’doonta, Baladxaawo ka mid ah goobaha uu saameeyay.

Roobabka ayaa sidoo kale fataado ka dhaliyay gobollada dariska ah ee Bay iyo Bakool ee deegaannada Koonfur Galbeed, waxaana daadadka iyo biyo baxa siweyn u mutay magaalooyinka Baydhaba,  Xudur, Buurhakaba iyo Bardaale, kuwaas oo roobab ka da’ay kala go’doomiyeen labada gobol.

Magaalada Baydhabo oo ah caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed, roob xooggan ayaa  sababay in xaafaddaha Magaalada soo galaan biyo xooggan kuwaas oo kala xiray badi xaafaddaha Magaalada, taasi oo sababtay barakac xooggan iyo in xaafadaha qaar dadkii ku go’doomaan oo ka bixi kari waayeen, waxaana socda gurmad lagu samatabixinayo

Magaalada Xudur oo hore go’doon ugu jirtay Al-Shabaab ayaa hadda markale go’doon u gashay roobka, waxaana gabi ahaan baaba’ay dhulbeereedkii lagu noolaa gudaha magaalada iyo banaankeeda, waxaa sidoo kale xirmay garoonka Diyaaradaha.

Waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo ayaa la xaqiijiyay in ay biyaha ay gooyeen, taas oo joojin karta ganacsiyadii tagi jiray magaalada Baydhaba oo ka bixi jiray Muqdisho,maadaama ay tahay waddada kaliya ay wax u soo maraan bulshada ku dhaqan gobollada dhaca Koonfur Galbeed.

Daadadka iyo Fatahaadaha waxaa kale oo ay u sameeyeen deegaannada Hirshabelle oo uu maro webiga Shabeelle. Wabiga ayaa ku fatahay magaalooyin dhowr ah sida Baladweyne, Jowhar, Mahadaay iyo Afgooye cabsi la muujinayo, barakaca iyo khasaaraha kala duwan ee ka dhashay waxaa barbar socda in saameynta ay noqoto mid weyn oo malaayiin saameysa.

Meelaha ugu badan ee dhibaatada ay kusoo noqnoqoto waa magaalada Baladweyn, oo xaafadaheeda kala duwan ay biyaha qariyaan, tiiyo ay wax ka qabashaeeda gabeen hey’adaha kala duwan.

Dhanka kale, Galmudug meelaha ugu daran ee daadadku saameeyeen waxaa ka mid ah Galkcayo, halka cabsi ay ka jirto magaalooyin Dhuusamareeb, Gurceel iyo Cadaado kuwaasi oo roobab ka da’ayaan.

Deegaannada Puntland ayaa sidoo kale waxaa jirta cabsi laga qabo in roobabka da’aya ay fatahaad ay ka sameeyaan magaalooyin ay kamid yihiin Boosaaso iyo Qardho, laakiin ilaa iyo hadda waxaa kaliya oo la warinayaa in daadad ay ku dhufteen magaalo Xeebeedka Bandarbeyla ee gobolka Bari ee Puntland.

Sida lagu shaaciyay warbixin ay soo saareen maamulka Galkacyo  ee dhanka Puntland, Ilaa saddex qof ayaa u geeriyooday roob mahiigaan ah oo ka da’ay magaalada.

Gobollada Waqooyi ee Somaliland dhankooda waxaa ka da’ay Roobab badan, kuwaas oo laga dareemay magaalooyin badan sida Hargeysa, Boorama iyo Burco, laakin aan laga soo warin daadad ku rogmaday, balse musiibo adag ayaa ka jirta magaalada Barbera ee gobolka Saaxil oo daadad kusoo rogmadeen.