U bood dhigaalka

Lafagurka Buugga Godob iyo Geeri:

Muraayad laga dhex arki karo dhaqanka sooyaalka ah ee bulshada Soomaaliyeed

Qisada buugga Godob iyo Geeri waa muraayad laga dhex arki karo dhaqanka sooyaalka ah ee bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan wada noolaanshaha toleed. Xiriirka dhaqan-bulsheed ee ka dhaxeeya sokeeyaha isku reerka ah waa mid guud ahaan ku salaysan is-xaqdhowr, is-taakulayn iyo is-xushmayn. Dhanka kale, waxaa dhici karta in xiriirka dadka isku tolka ah uu noqdo mid xun, waxaana halkaa ka dhasha is-nacayb, is-xasid iwm. Haddaba, markaad fiiriso erayada kor ku xusan waxaa kuu muuqanaya hor-kabaha (is) , oo ah horkabe erayada qaarkood horay looga kabo, kaasoo falka ku celiya qofka.

Waxaa xusid mudan in inta badan ay noo muuqdaan ficiltanka iyo colaadda ka dhaxeysa beelaha kala haybta ah, laakiin sheekada Godob iyo Geeri waxay tilmaantay ficiltanka iyo is-quursiga ka dhexeeya beelaha isku reerka hoose isku ah. Haddaba, qormadani waxaaan rajeynaa inaan falanqayn kooban ku sameeyo qisada buuggaan.

Waxaan jeclaystay inaan soo gudbiyo dareen iyo fikir waxay igu dhalisay sheekada buugga. Cinwaanku waa waa waxa ugu horreeya ee indhaheennu qabtaan, sidaa darteed waa waxa nagu dhaliya inaan go’aansanno buugga aan rabno inaan akhrinno. Cinwaanka buugga Godob iyo Geeri wuxuu marka horeba ku dareensiinayaa sheekada qoraaga Muxyaddiin Xuseen Ciid uu doonayo in uu soo tebiyo.

Erayada Godob iyo Geeri waa kuwa qaafidaysan. Labada eray (Godob iyo Geeri) waxay wadaagaan xaraf-raaca G, iyo iyadoo eray walbaa ka kooban yahay shan xaraf, oo isugu jira shibbanayaal iyo shaqallo. Labada eray (Godob iyo Geeri) waxay qaataan qodobka (ta), oo tilmaama jinsiga dheddiga. Marka la eego qaybta macnaha erayada ee cilmi-afeedka (Semantic), erayga Godob waa erayada leh hal macne ka badan, waxaana erayadaas loo yaqaan ‘’Polysemy’’. Erayga Godob(ka) waxaa lagu macneeyaa balli aad u weyn oo wareegsan, oo in badan biyo ku jiraan. Dhanka kale, erayga Godob(ta) waxaa lagu macneeyaa aano, dakano iwm. Aano waxaa loola jeedao xumaan hore oo lays gaarsiiyay, oo in laga aarguto uurka lagu hayo. Qoraa Muxiyaddiin Ciid wuxuu ku sheegay  qaybta horudhaca buuggiisa Godob iyo Geeri weerta hoos ku qoran: “qabyaalad iyo qabiil ayay qisadani ku baraysaa waxay kala yihiin, ayadoo qabyaaladda ku salaysay marka qabiilka sida xun loo adeegsado’’. 

Marka la eeego taariikhda, Soomaalidu waxay ahaayeen dad qaab-beeleed u wada degganaa. Soomaalida waxaa u suurtagashay inay helaan wada noolaansho toleed. Waa maxay haddaba tol? Soomaalidu waxay tiraahdaa tol waa tolane. Waxaa xusid mudan in dantu isku xirtay, iskuna toshay dadka isku tolka ah. 

Qaab-dhismeedka cutubyada buugga Godob iyo Geeri waa mid ka tarjumaaya cinwaanka iyo macnaha ballaaran ee uu xambaarsan yahay. Qisada buuggan waxaa lagala bixi karaa farriin la xiriirta dhaqanka dadka, kan xun iyo kan wanaagsanba. 

Qisada waxaa lagu qurxiyay murti, maamaah, iyo sarbeeb. Tusaale ahaan, cutubka kowaad waxaa lagu furay maahmaahdaan: “ inuu walaal macaan yahay, ninkii madi ah baa og’’. 

Qoraa Muxiyaddiin Ciid wuxuu u soo bandhigay si xirfadaysan jilayaasha sheekada, si ay ugu muuqdaan kuwa dhab ah. Waxaa iyadana qaddarin mudan magacyada jilayaasha sheekadan, oo kala ah; Diirshe, Kaarshe, Xasan Dhuux, Odowaa iwm. Jilayaasha iyo dhacdooyinka qisada Godob iyo Geeri waxay si xeel-dheeri ah u tilmaamayaan xumaha bulshadeenna ka dhex jira, taasoo lagu muujinayo sheeko dhex maraysa jilayaasha qisada. 

Xasan Dhuux waa jilaaga ugu weyn ee qisada Godob iyo Geeri, waana nin madi ah. Sida ku cad sheekada, Xasan Dhuux waxaa lagu sameeyay go’doomin. Waa marka hore, waxaa la xaqiray kaalintii Xasan Dhuux aabbihii (Odowaa) ku lahaa beesha Gurxan. Waa marka xigee, reerka Xasan Dhuux waa la quursaday, waxaana loo arkay qoys toddoba fac madi ahaa, oo aan mudnayn talo iyo garaadba in lagu qaddariyo. Haddii aynu eegno quursigan waxaa inoo muuqanaya inuu ka mid yahay xididdada qabyaaladda salka u ah. Sidoo kale, quursigan wuxuu ina xasuusinayaa gabaygii Cabdullaahi Suldaan Timacadde uu ku tilmaamay xumaha qabyaaladda, kaasoo ahaa: “anaa isir ah, anaa adag iyo yaa i gaara?’’.

Gunnanad
Waxaan rajeynaaa in qisada buugga Godob iyo Geeri tusaale iyo tusmaba u noqoto dood-wadaag la xiriira in laga gudbo xumaha qabyaaladda, loona gudbo bulsho ay ka dhaxeysa iskutiirsanaan iyo is-taageerid.

Lafagurka:    Prof. Cabdulqaadir Ruumi

Email:           [email protected]

Qoraaga:      Muxyadiin Xuseen Ciid Libaax-Barkade

Daabicidda: Ciid Publishing

Bogagga:     246

Sanadka:     October 2023 | Daabacaadda Labaad