U bood dhigaalka

Puntland: Mucaaradka oo Weli Diiddan Doorashada Qof iyo Codka ah ee Madaxweyne Deni Ku Dhawaaqay

Sheeko:Dalka

Dadaalo lagu doonayo in lagu dhax dhaxaadiyo dhinacyada is haya ee mucaaradka iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa u muuqda kuwa burburay kadib markii ay sabtidii ku celiyeen in ay diidan yihiin qof iyo cod.

Qaramada Midoobay ayaa hadda isku doonaysay in ay dhax dhaxaadiso laabada dhinac ee isku haya siyaasadda maamul goboleedka Puntland oo gabal dhaclaynaysa.

Qoraal ka soo baxay kooban oo ka soo baxay dallada ay ku midaysan yihiin Mucaaridka Puntland ayaa lagu sheegay in ay Kulan la qaateen wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ms. Catriona Laing.


“Waxaan magaalada Garowe annagoo ah Dalada Mucaaradka Puntland la qaadanay kulan iyo isxogwareysi wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ms Catriona Laing” ayaa lagu yiri Qoraalka Mucaaridka.


Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing ayaa sidoo kale la kulantay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ay kala hadashay sidii loo qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay oo nabdoon.


Hore Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in maamulkiisu ku dedaaley in doorashada xisbiyada la qabto taas oo ahayd dastuuri muddo dheer la sugaayey.


Laaakiin hadalkan waxa ka biyo diiday , xubnaha mucaaradka kuwaas oo u arka talaabo qar iska tuurnima oo lagu kala dhantaalayo hanaanka dowladnimo ee sanado badan lagu canamaalayay.