U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Si Weyn looga xusayo Maalinta Macallinka ee 21-ka Novembar

Sheeko:Waxbarashada

Maanta waa 21-ka Novembar waxayna ku beegan tahay maanta macalinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel ay Soomaali joogtaba laga xuso.

Maalintan oo markii ugu horreysay dalka laga xusay 1974-tii ayaa loogu dabaaldegaa ahmiyadda macallinka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa qabanaysa munaasabado lagu weynayo maalintan, waxaa ayna kusoo aadaysaa xilli dhowaan dowladda Soomaaliya 3000 oo macalimiin cusub ah ay kusoo dartay shaqada, kuwaas oo la qaatay sanadkaan.

Macalimiinta Soomaaliyeed ayaa marka aad la kulanto waxaad arkaysaa in ay sheegayaan in mudnaanta la siiyo maanta aysan la mid aheyd shaqaalaha dowladda ama ku wale, waxaana ay marwaliba sheegaan in loo baahan yahay in macalinku bulshada meel sare ugu jiro, maadaama uu yahay shakhsiga tabiyeeya qof walba markuu tacliin bilowga yahay waxna soo bara.