U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka qeybgalay Shirka warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka kaas oo lagu soo Bandhigay Warbxinta xaaladaha Dhaqaalaha Soomaaliya, kaas oo sitoos ah uga baxayay Goobjoog Tv

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo hadal ka jeediayy shirkaan ayaa soo dhaweeyay warbixinta Bangiga Adduunka uu diiyaariyay xaaladaha Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya horumar sameeyay sanadkaan 2023. Wasiirka ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumar wayn ka samaysay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sharuudaha barnaamijka deyn cafinta.

“Waxa aan maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka qeybtiisa 8-aad taasi oo aan diirada ku saarnay sida ay biyihu muhiim ugu yihiin nolosha iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Inkastoo ay jiraan caqabado badan, haddana waxa aan horumar muuqada ka samaynay arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige. 

Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu sameeyay horumar, waana soo hagaagayaa inkastoo ay jiraan caqabado gudaha ah iyo kuwo caalami ah. Waxaa naga go’an inaan xoojino barnaamijkeena dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Warbxinta Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka ee la socodka dhaqaalaha Soomaaliya ayaa lagu xusay in dhaqaalaha Soomaaliya uu horumar iyo korar dakhliga gudaha ah uu sameeyay sanadkaan inkastoo ay jiraan caqabado sameeyay homurka dhaqaaalaha taasi oo ay sababeen xaalaha isbeddelka cimilada, daadadka ka dhashay roobka iyo ayax oo dhibaato kale ku haya deegaanka.

Warbxinta ayaa sidoo kale lagu xusay in Soomaaliya ay heer aad u wanaagsan ka gaartay sharuudaha iyo xeerka ku xiran barnaamijka Deyn Cafinta oo la filayo in lagu dhawaaqo bisha December ee sanadkaan 2023, taas oo dowladda Soomaaliya u suurtogelinaysa in helo maalgashiyo caalami ah iyo qaadashada deymo lagu hormariyo kaabayaasha dhaqalaha dalka.