Dr. Henry Alfred Kissinger iyo Soomaaliya Wixii uu Ka Aaminsanaa
Xalay waxa gobolka Connecticut ee Maraykan ku geeriyooday Isaga oo boqol sanno jiray, Dr. Henry A. Kissinger, oo dhalashadiisii loo bixiyay ‘Heinz’, mar dambe se is ka bedelay. Dr. Kissinger oo in badan ka dhex muuqday masraxa dublamaasiyadda caalamka, waxa aan soo qaadi doonaa Isaga iyo masuuliyintii Soomalaiyeed qaarkood wixii dhex maray todobaatameeyadii qarnigii hore, markii uu isagu ahaa Xoghayaha Arimaha Debedda ee Maraykan. Dr. Kissinger, oo ka soo jeeday qoys yuhuud ah, waxa uu ku dhashay Gobolka Baveria ee dalka Jarmalka. Henry isaga oo 15 jir ah, ayay 1938kii qoyskoodu u la qaxeen dhankaas iyo New York, Isaga oo askari Maraykan ah baanu Yurub ku soo noqday, waxaanu la dagaalamay Naasigii Jarmalka ee Hitlar hogaaminaayay. Dagaladii ka dib, Henry waxa uu dib u gu noqday dhinaca waxbarashada, 1953kii baanu Harford ka qaatay P.HD dhinaca falsafadda ah.
Dhamadkii lixdameeyadii, ayuu noqday La Taliyaha Amniga Qawmiga ah ee Dawladda Maraykan, 1973-1977kii na, waxa uu ahaa Xoghayaha Arimaha Debedda. Kissinger waxa uu wasiir u ahaa Madaxweynayaashii Nixon iyo Ford, ilaa toban madaxweyne oo kale na, la taliye ayuu u ahaa, waxaana ka mid ahaa Obama. Kissenger, sida la is la ogolyahay, waxa uu ahaa dublamaasigii u gu saamaynta badnaa siyaasadda debedda ee Maraykan, waxaanu 1973kii biladda Nobel ku qaatay soo afjaridda dirirtii Fiidnaam ee dhiigga badani ku daatay. Sidoo kale, waxa uu hormuud ka ahaa siyaasadii qaboobayd ee beryahaas ay Moosko iyo Washington isugu soo dhawaanaayeen, dareemada halista ah ee dhexdooda na ku xakamaynaayeen, taas oo keentay heshiiskii hoos u dhigidda gantaalaha qaaradaha ka gudba. Sidoo kale, waxa uu door weyn ka ciyaaray isu soo dhaweynta Maraykan iyo Shiinaha, in kasta oo aanay suuroobin in labada waddan xidhiidkooda caadiyeeyaan intii uu xafiiska joogay.
Geesta kale, Kissinger waxa uu door muhiim ah ku lahaa dhamaynta dagaalkii Masar iyo Israaiil ee 1973kii, iyo ololihii dublamaasiyadeed (The Shuttle Diplomacy), ee xigtay labadii sanno ee ka dambeeyay dagaalka. Si kastaba, Kissinger waxa aad loo gu dhaliilaa in uu ahaa siyaasi aan waxba ka soo qaadan arimaha xuquuqda aadanaha, muhiimadda na siiya uun xoogga iyo xaqiijinta danaha Maraykan. Waxa uu qoray toban buug in ka badan, waxaanu ku dadaali jiray in Maraykan aanu dagaal ku lug yeelan, intii wadahadal iyo dublamaasiyaddu ay suurtagal tahay. Kissinger waxa uu ahaa dublamaasi, siyaasi, taariikyahan iyo khabiir culuumta siyaasadda ah, Isaga oo wax ka qoray jaamacadaha na ka dhigay.
Gebagabadii, , Henry Kissinger waxa uu aaminsanaa in Soomaalidu ay sabab la’aan Maraykan u ga hor jeeddo. Eedda taas ah waxa uu si toos ah u gu sheegay, oo si adag oo xariifnimo leh na Isaga difaacay, Wasiir Cabdilqaadir Qaasim iyo Danjire Cabdilaahi Caddow oo New York ku la kulmay. Wadahadalkii masuuliyintaas dhex maray, oo waa dambe ay dawladda Maraykan qaybo ka mid ah shaacisay, ayaan halkan idin ku la wadaagayaa. Waa qoraal aan saddex sanno ka hor shaaciyay, waxa aan se u arkaa in uu istaahilo in dib mar iyo marar kale ba loo akhriyo.
- Kulankii Qaasim iyo Kissinger, 1976!
Turjumaad: Maxamed Haaruun Biixi.
Galabnimo Jimce ah, oo ku beegnayd 8 October, 1976, waxa ku kulmay New York (USA), laba wafti oo kala matalaayay dawladihii Soomaalida iyo Maraykanka. Labada dhinac waxa kala hogaaminaayay Henry Kissenger, Xoghayihii Arimaha Debedda ee xiligii Madaxweyne Gerald Ford; iyo Dr Xuseen Cabdulqaadir Qaasim, Wasiirkii Macdanta iyo biyaha, isla markaana xiligaas ahaa Sii Hayaha Wasiirka Arimaha Debedda ee Soomaaliya. Labada wafti guud ahaan, gaar ahaan labadaas nin, waxa dhex maray wadahadal xoog u adag, oo aan waxba la isu dhimin, wax na la isu dhaafin. Dublamaasiyiintu marka aanay idacadaha la hadlaynin ee gudaha la isla galo, hadalada la qurxiyo bartaas baa la iska dhigaa oo la isu badheedhaa.
Al-muhim, Dhinac kastaaba danihiisa ayuu difaacday; Maraykanku in ay Itoobiya u garbinayaan ma qarsanin; Soomaalidu na in ay taas ogyihiin ma qarsanin. Hadal-qoraalkii kulankaas oo Dawladda Maraykan ay waa dambe faafisay ayaa marar dhawr ah akhriyay, mar kasta na aniga oo xiisaynaaya sidii war igu cusub oo kale, ayaa aan u akhriyaa. Waxa ay ila noqotay in aan qoralkaas turjumo, si dad badani u ogaadaan in ay jireen masuuliyiin (dublamaasiyiin) Soomaaliyeed oo ajnabiga fahmi karaayay, jawaab munaasib ah na bixin karaayay iyaka oo isku kalsoon.
Xasuusnow, dublamaasiyaddu ma aha in aad af-ingiriis ku hadli kartid, taas bedelkeeda, xitaa hadii aanad af-ingiriis aqoonin, waxa muhiim ah in aad si wacan u garanayso waddankaagu waxa uu doonaayo, waxa wadamada kale doonayaan, iyo meelaha ay labadaas doonisood ka kulmi karaan, meelaha aanay ka kulmi Karin, iyo hadii ba ay suurtagal tahay in aad danaha kulansiiso. Muhiimadda ugu wayn ee dublamaasiyiintu, hadii uu safiir yahay iyo hadii uu wasiir yahay ba, taas weeye. Waa in aad cid kasta saaxiib la ahaatid intii suurtagal ah, hadana aanad cidna aaminin. Waa in aad taada wadatid. Waa waddan walalaheen ah amaba saaxiibkeen ah ma jirto. Saaxiibada iyo cadowga waa in aad isku si uga feejignaatid. Taas weeye dublamaasiyaddu, waana taas midda ay dawladuhu ku macaamilaan.
Fiiro gaar ah: kulanka aan ka hadlayno ee masuuliyiintan dhex maray, intiisa badan waxa looga hadlay qadiyaddii waagaas taagnayd ee u dhexaysay Itoobiyaanka iyo Soomaalida, taas oo xiligas wax yar uun ka dib isu bedashay dagaal buuxay. Boogaadinta aan kor ku muujiyay marnaaba qiimayn ma u ahaa sidii ay masuuliyiintii Soomaalida ee waagaasi guud ahaan u maamuleen amuurtaas, ee ay uga fikireen amaba u qiimeeyeen sida caalamku u arki karaayay go’aamadii Soomaalidu qaadatay amaba xiliyadaas qaadan doontay. Qiimaynta noocaas ahi ha noqoto maalin kale, laakiin hadda waxa keliya ee aan qiimeeyay, oo heer sare na iila muuqday, tayada dublamaasiyadda Dr Xuseen, iyo sida isku kalsoonida leh ee uu ugu jilib-dhigay Henry Kissenger oo ahaa dublamaasi aad looga dambayn jiray masraxa siyaasadda ee caalamiga ah; ilaa maantadan na wali la hadal hayo isaga oo in ka badan 40 sanadood shaqada ka sii maqan. Isku kalsoonida qofka Soomaaliga ah oo waxoogay aqoon iyo waxoogay miyir amaba deganaansho ah lagu kabo, oo caadifadda na laga yareeyo, wax badan ayay qaban kartaa. Aan idiin kala baxo dooddii nimankaas dhex martay waagaas.
Hadal-qoraalka wadahadalkii Qaasim iyo Kissinger.
Ka qayb galayaasha kulanka – dhinaca Soomaaliya:
Xuseen C. Qaasim, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha;
Cabdilaahi Caddow, Safiirkii Soomaalida ee Washington DC joogay;
Cabdiraxmaan Jaamac Barre, Agaasime Guud ee Wasaaradda Arimaha Debedda,
Maxamed Maxamuud, Qusulka Safaaradda Soomaalida.
Dhinaca Maraykanka:
Henry Kissinger, Xoghayaha Arimaha Debedda.
Philip Habib, Ku xigaha Xoghayaha Arimaha Debedda ee dhinaca Siyaasadda.
Talcott W. Seelye, kaaliyaha Ku Xigaha Xoghayaha,
Iyo Frank Wisner, oo ah hadal-qoraha shirka.
Taariikhda: October 8, 1976; Wakhtiga: 3:45 p.m; Goobta: Guriga Xoghaye Kissinger ee Waldorf-Astoria, New York.
Kissinger: Xilka ah ‘Sii hayaha Wasiirka Khaarajiga’ muxuu ka dhiganyahay?
Qaasim: Waxa aan ahay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, ha yeeshee dawladayda waxa aan ku matalay tiro shirar calami ah.
Caddow: Waaqic ahaan waa Wasiirka Arimaha Debedda.
KISSINGER: New York ilaa hadma ayaa joogtay?
KASSIM: Laba todobaad iyo siyaado. Dhawr maalmood gudahood waddankii baa ku laaban doonaa, dhexda in aan ku sii hakado na waa suurow.
KISSINGER: Waxa ay u muuqataa in aad go’aansatayba in aad dhexda ku sii hakatid.
KASSIM: Waxa aan isku dayaa in aan danaha waddankayga ka shaqeeyo, waxanan hawsha qabtaa aniga oo aan wax siyaado ah iyo madadaalo ku darin.
KISSINGER: Buuq aad uga badan inta uu samayn lahaa waddan sidiina oo kale meel-dhexaad ahi ayaa samaysaan oo wararka xoog baa ugu jirtaan.
KASSIM: Mar kasta waxa ay ku xidhantahay dhinaca dabayshu ay u dhacayso. Ma anakaa wararka is keenayna, mise kuwa abuuraaya duruufaha nagu kalifaaya in aannu talaabo qaadno ayaa noogu wacan?
KISSINGER: Adba waa I dareemi kartaa marka aan xaalad abuur ahay ee iska doonaayo in wararka la igu soo qaado.
Caddow: Goor kasta wararka waa ku jirtaa oo saxaafadda ayaa si dhow kuula socota.
KISSINGER: Waa sidee heerka cilaaqaadka labadeena waddan?
KASSIM: In aan taas wax ka idhaahdo ayaa jecelahay. Waxa aan qabaa in ay jirto fursad cilaaqaadka lagu sii wanaajin karaa.
Kissinger: Waa kugu raacsanahay.
Qaasim: Haa, waxa jirta fursad cilaaqaadka lagu sii wanaajin karo. Qodob fiican baa sheegtay xiligii qadada. Afrika waa soo fahmaysaa.
KISSINGER: Wax badan baa ka bartay Afrika intii aan siyaasadaheeda daawanaayay. Laakiin idinku Soomaali ahaan waa qalafsantihiin. Taas ma uga jeedo dhaliil, waxa aan se ka wadaa idinku siyaasadda gudaha si daran baa u ciyaartaan.
Qaasim: Sida ay nala tahay uun baanu warkayaga u sheegnaa.
KISSINGER: Ma qabo wadamada Afrika in ay wadar ahaan col noola yihiin, laakiin kolka aad eegtid dhaqdhaqaaqa Dawladda Soomaalida, waa adkaanaysaa in lagu tilmaamo waddan ka mid ah kuwa siyaasaddoodu dhexdhexaadka tahay. Inta badan waa naga hor jeedsataan kolka arimaha caalamiga ah ay timaaddo, mar kastana anaku ma qaldanaan karno. Sidaas ma u shaqeeyo xeer-xisaabeedka celcelis ku.
(Fiiro gaar ah: Kissinger halkan waxa uu Dawladda Soomaalida ku eedaynayaa in iyada oo siyaasad ahaan sheegta in ay ka mid tahay wadamadii qunyar-socodka ahaa ee loo yaqaanay Wadamada Dhexdhexaadka ah, kuwaas oo aan kala raacsanayn labadii isbahaysi ee waagaas ay Ruush iyo Maraykan kala hogaamin jireen, hadana ay u dhaqanto sida waddamada Ruushka sida cad u raacsan, ee mar kasta iyo xaalad kastaba danaha Maraykan ka hor jeeday.)
Qaasim: Anaka sida ay nala tahay, Soomaaliya iyo Maraykan waa in ay lahaadaan cilaaqaad ka madhan dareen cadaawadeed. Hadii la eego xaalado ama masalo gaar ah, waxa aan hadba ka qaadanaa go’aanka ku haboon, dabcigayagu na ma aha mid goor kastaba cadaawad ku salaysan. Hadii aydaan idinku naga haysan lahayn faham cadaawadeed, anaku fal-celin ma aanu samayneen. Waddan ka tirsan kuwa Dhexdhexaadka ah in aanu nahay ayaanu qabnaa.
KISSINGER: Waddamada Dhexdhexaadka ah anaku ma ka hor jeedno. Waddamada Afrika oo dhami waxa ay ka mid yihiin kuwaas dhexdhexaadka ah, marka laga reebo Angola. 15 kun oo ciidamo ajnabi ah ayaa waddankooda jooga, dabcan xaaladdaasu na waxa ay ku khasbaysaa in siyaasad ahaan ay dhinac la saftaan. Marka aad leedahay ma jirto wax cadaawad ahi dhinaca Soomaaliya, hadana waxa dhacda in aad goor kastaba na khilaaftaan, mararka qaarkoodna, aadba ku hawllantihiin waxyaabo anaka lid nagu ah.
Qaasim: Xaaladda aad sawirtay ma aha mid wada qaldan, hadana sawirka aad bixisay ma aha mid dhamays tiran. Anaku waxa aanu u fiirsanaa sida ay siyaasadda Maraykan u saamayso waddankayaga iyo guud ahaan gobolka aannu ku naallo. Anaka ahaan jiritaanka waddankayaga ayaa halis ku jira, idinka dhaqdhaqaaqiinu na ma aha mid muujinaaya dhexdhexaadnimo.
KISSINGER: Tusaale ma I siin kartaa?
Qaasim: Soomaaliya waxa ay leedahay taariikh isticmaar oo nasiib darro ah. Xataa intii aanay Soomaaliya xornimo ba qaadanin, Itoobiya ayaa idinku heshiisyo is garabsi la lahaydeen. Waxa aanu aragnaa hubkii oo ku daldalmaaya Itoobiya, waxa aanan qabnaa in hubkaasi dilaayo cilaaqaad hagaagsan oo anaka iyo Itoobiya na dhex mara. Waa la sii wanaajin karaa cilaaqaadka anaka iyo Itoobiya noo dhexeeya, laakiin hubka aad ku sii daabulaysaan iyo dacaayadda aad fidinaysaan taas ma saacidayso. Waanu aragnay warkii uu soo saaray Xoghayahiina Difaacu na.
KISSINGER: Waxa aannu u qabnaa in aad haysataand hub ka badan midka Itoobiyaa. Sababma ayaa sidaas aannu u qabnaa?
Qaasim: Sidaasi waa qalad. Itoobiya waxa ay leedahay cudud milatari oo taayada ka wayn. Waxa aad nagu khasbaysaan in aanu xoog isu hubayno. Anaku ma aragno wax door xal raadin ah oo aad ciyaaraysaan.
KISSINGER: Saw ma rabtaan qayb Itoobiya ka mid ah?
Qaasim: Maya. Waxa aanu xorriyad u rabnaa dhulka qaybta ay dadkayagu leeyihiin ee Itoobiya raacsan.
KISSINGER: Waa qaybta Itoobiya ka mid ah ee Soomaalidu ay degto saw ma aha, goorma ayay se raacday Itoobiya?
Qaasim: Itoobiyaanku waxa ay qabsadeen dhulka qaybtan ay Soomaalidu sida sooccan u degentahay sanadkii 1884. Ilaa laga soo gaadhaayay 1960, dhulkan waxa Itoobiyaanka ka joogay uun ciidamo aan badnayn iyo shaqaale dawladeed oo kooban, hadda se aad baa ay u soo xoojiyeen joogitaan koodii oo xaalku waa isbedalay gebi ahaanba.
KISSINGER: Markaa sidaas darted, colaadda waa sii wadaysaan ilaa aad dhulkiinna inta maqan wada helaysaan?
Qaasim: Sidaas lid keeda weeye xaqiiqadu. Anaku ka tanaasuli mayno xuquuqda dadkayaga iyo kan qaranka. Waxa aanu la liidanaa dhibaato isticmaar dhigay.
KISSINGER: Waxa jira Soomaali iyakuna deggan Waqooyiga Kenya. Markaa Kenya na ma dhul baa ka rabtaan?
Qaasim: Taasu waa xaqiiqo taariikheed. Dawladdii isticmaarka ee Ingiriis waxa ay abuurtay gobol Kenya inteeda kale gooni looga maamulo oo ah midka ay ugu yeedheen Gobolada Waqooyi ee Kenya, waligeed na sidaas bay gooni u ahayd xaaladda dhulkaasi. Ingiriisku aftidii ay abaabuleen 1963 ee dadkaas lagu waydiiyay dhinaca ay raacayaan, boqolkii 83 baa dooratay in ay Soomaaliya ku biiraan, laakiin Ingiriisku waxa ay qaateen go’aan taas lidkeeda ah oo Kenya ayay dhulkii raaciyeen, waana suurow in qaladkaas mar ay noqoto ba la saxo. Anaku ma eedaynayno Kiiniyaanka maxaa yeelay, iyaku ma ay go’aaminin waxa dhacay ee isticmaar baa xalka dusha kaga keenay. Itoobiyaanka weeye kuwa aannu inta badan eedaynaynaa, maxaa yeelay iyaku curfi isticmaarnimo oo badheedh ah ayay ku kaceen. Waxa aanu haynaa dhokumentiyo Itoobiyaan oo taas caddaynaaya. Boqor Menelik kii 2aad ayaa kolkii Yurubiyaanku ay dhulalka Afrika kala boobayeen, isna dhinaciisa codsi ka qortay, oo dalbaday in loo ogolaado in uu dhulkan Soomaalida qaato. Laba goor – 1963 iyo 1964 – ba Itoobiyaanku waxa ay ku dhawaadeen in ay na jiidhaan oo na ba qabsadaan. Hadii quwado shisheeye aanay xaaladda soo farogelin lahayn, labadayada dhinac ba masiibo ayaa ku habsan lahayd.
KISSINGER: Taariikhihii hore wax badan ma ka qaban karno, laakiin sida aad adiguba ogtahay, cilaaqaadka ay Itoobiyaanku nala leeyihiin ma aha mid saaxiibtinimo aad u xooggan ku salaysan. Ma faalayn kartaa xaalka waddankaas?
Qaasim: Anaku Itoobiyaanka daris baanu nahay, fahamkiina mid ka wanaagsan na waa ka haysanaa. Waxa jira culaysyo, dabcan mawduuc kasta na kulankan ma kaga bogan karno. Waxa aanu door-bidaynaa in aan ka hadalno waxa hadda taagan. Waxa aanu doonaynaa in aad na dhegaysataan, anaku na aanu idin dhegaysano. Sababta cilaaqaadka aan wacnayn ee Soomaaliya iyo Maraykan waxa ay ka soo burqanaysaa mashaakilkena gaarka ah ee ku salaysan danaha qaran. Waxa aan doonaynaa xal nabadeed oo dhibaatooyinka lagu maareeyo. Xataa ka hor Kacaankii 1969, waxa aanu ku dadaalaynay is faham na dhex mara Itoobiyaanka. Madaxweynahayagu waxa uu la kulmay madaxda Itoobiyaanka, waxa uuna isku dayay in la abuuro jawi wanaagsan oo sababi kara in arimaha noo dhexeeya si cadli ah lagu dhameeyo. Waligayo ma aanu ka helin Itoobiyaanka wax jawaab ah oo hagaagsan. Arimahaasu xoog ayaa ay muhiim noogu yihiin, xuquuqdayada na ma deedifayn karno, gacan-ka-hadal gardarro ah na ma samaynayno. Xaaladda ay Itoobiyaanku ku jiraan xiligan iyo ducfigooda ma isku dayayno in aan ka faaiidaysano. Waxa aan doonaynaa horumar wadankayaga iyo gobolka ba ka hanoqaada. Anaku ma rabno dagaal cidnaba na dhex mara, waliba gaar ahaan umad aanu is xigno sida Itoobiyaanka oo kale. Waxa aanu samaynay soo jeedin niyad sami ku dhisan oo Kiiniyaanka aanu u gudbinay, waana mid ku salaysan is faham Afrikaannimo. Waa suurow in ay timaaddo maalin arimahan la xallin doono. Ta ku saabsan inaka labadeena waddan, idinka doorkiinu waa mid xoog muhiim u ah. Waa in aad raadisaan nabad, amni, degenaansho iyo kor-u-qaadista is fahamka dhinacyada. Waa ognahay in waddamo kale oo Afrikaan ah aad caawisaan; waxaanan qabnaa in taakulayntiinu ay ahato mid ku jihaysan dhinaca horumarka, ma aha milatariga.
(Fiiro gaar ah: ducfiga uu Wasiir Qaasim tilmaamay ee xiligaas Itoobiya ka jiray, ee uu leeyahay ma rabno in aan ka faaiidaysano, waxa uu ahaa qalalaase siyaasadeed oo sanadkaas 1976 si daran uga socday guud ahaan Itoobiya, gaar ahaan caasimadda Addis Abeba. Boqorkii Xayle ahaa ayaa la riday oo ciidamadu ku kaceen, iyaku na dhexdooda ayaa ay is khilaafeen oo xukunkii ku heshiin waayeen. Dagaalo furan oo qaybaha ciidamada la isu adeegsaday ayaa Addis ka dhacaayay, aakhirkii na waxa xoog roonaatay kooxdii uu hogaminaayay Kornayl Mingisto Xayle Maryam, kuwaas oo hogaankii waddanka si buuxda ula wareegay. Xiligan qalalaasuhu socday weeye xiliga uu Dr Qaasim leeyahay ma doonayno in aan xaaladaas ka faaiidaysano. Si kastaba, cadaymaha taariikheed oo dhami waxa ay muujinayaan in xaaladaahaas qasan ee ka jiray gudaha Itoobiya ay qayb wayn ka ahaayeen sababihii ku dhiiriyay in ay dagaalada galaan jabhadihii xornimada Soomaali-galbeed ee dagaalka waday intii hore, iyo dawladda Soomaalida oo rasmi ahaan u soo gashay kolkii dambe.)
KISSINGER: Waxa aanu si adag u qabnaa Faham ah in aad u hubaysantihiin si ka wanaagsan sida Itoobiyaanka; waa suurow in xogaha sirdoonkayagu qaldanyihiin, laakiin waa caddahay in ad heshaan shixnado tiro badan oo hub Soofiyeed ah.
Qaasim: Anaka waxa nalagu soo duulay 1963 iyo 1964. Waligoodba Itoobiyaanku iyaka ayaa xoog noogaga horeeyay dhinaca hubka iyo baaxadda ciidan labadaba. Xaalkayaga qalad baa ka fahamsantahay.
KISSINGER: Dib ayaa u eegi doonaa xogaha sirdoonkayaga.
Qaasim: Waxa aan qabnaa in aad shakhsi ahaan door fiican ciyaari kartid, waana fahamsanahay taariikhdaada iyo mabaadii’daada. Ma fahmi karno sababta aad dabcigan cadaawadda ku dhisan ugu qabtaan waddan yar. Bal eeg waxa aad samayseen dhawaan xiligii abaartu na heshay.
KISSINGER: Talcott Seelye, maxaynu samaynay? Talcott, ‘waynu caawinnay’.
Qaasim: Haa. Laakiin waxa aad ku dooddeen in aanu dhisnay saldhig Soofiyeed (Soviet) oo milatari, waxa aanan idinku marti qaadnay in aad indhihiina ku soo xaqiijisaan in aanu saldhig jirin.
KISSINGER: waa dhab, dhamaantood na waxa ay la soo noqdeen natiijadii aanu tuhunsanayn uun – xataa masuuliyiintii markii hore ba ka hor jeeday doodda ah in uu saldhig jiro, ayaa ku soo qancay in aad Soomaaliya ka abuurteen saldhig Soofiyeed.
Qaasim: Oo markaa waxaas miyaa rumaysatay?
KISSINGER: Waxa aan rumaysnahay in aanu waxba na yeeli karaynin saldhig Soofiyeed oo Soomaaliya ku yaalla, laakiin ta muhiimka ahi waxa weeye sida aad u qeexayso saldhig milatari. Meel ciidan joogo, oo hubka iyo aaladaha ciidamada na lagu daryeelo, waa saldhig ciidan. Anaku tusaale ahaan, ka dib heshiiskii aan la galnay Filibiin (Philippines), waxa aan kula heshiinay in aan waddankaas ku lahaano saldigyo milatari, laakiin uu ka dul babanaayo calankoodu, jiritaankooda na ma dafirno.
Qaasim: Aqoon dheeraad ah in aad u yeelatid dabciga dadkayaga ayaa u baahantahay. Abidkayo ma ogolaanayno saldhig ajnabi oo ciidan. Anaku saldhigyo ma hayno. Waa eegnay taswiiro ay qaadeen dayax-gacmeedyadiinu (satalights), waanan ogayn in aad ku dooddeen in aan gantaallo ku rakibnay dhulkayaga. Waa hubinay eedaymihiinii, waxaana noo soo baxday in waxyaabaha aad gantaalada ku sheegaysaan ay ahaayeen uun minaarad ka taagan masjid.
KISSINGER: Waa surow in aad khiyaamo badantihiin oo gantaaladdii aad minaaradaha ku qariseen.
Qaasim: Goobjoogayaashiinii waa u furnay masjiddada, mana haysano anaku lacag aanu gantaalo ku iibsano ba.
KISSINGER: Ma qabno anaku ba in aad idinku gantaaladaas leedihiin. Laakiin aan amuurtan ka gudubno. Anaku Soomaaliya wax cadaawad ah ma u hayno. Sidaas oo ay tahay, hadana waxa aanu aragnaa in aad fagaare kasta oo calami ah anaka naga hor jeedaan. Waxa aad mucaarideen qorshihii aan ka wadnay wadamaddii geesta Koonfureed ee qaaradda Afrika. Waxa ad safka hore kaga jirtaan wadamada anaga qashqashaadda nagu wada; anaku na waxa aanu ka shaqaynaynaa ba waa nabadda, anaka oo kaashanayna Madaxwaynayaasha wadamada safka hore. Anaku waxa aanu diyaar u nahay in aanu hagaajino cilaaqaadka inoo dhexeeya; iyo in aanaan ka hor imanin sheegashadiina dhulalka idinka maqan, waa se hadii aydaan xal milatari wax ku doonin.
Qaasim: Sabab na faraysa in aan cilaaqaadkeena wanaajino ayaa jirta, waxaanan filaynaa in ay fursad taas caawinaysaa hadda muuqato. Laakiin aynu mawaaqifteena isu cadayno. Wax wada tashi ah oo inoo dhexeeyaa ma jiro. Maraykan in uu dhexdhexaad ka ahado mashaakilka jira ma nagu filna. Waxa loo baahanyahay in aad door firinfircoon ka ciyaartaan sidii aad mashkiladahayaga noola xallin lahaydeen.
KISSINGER: Dib ayaa u eegi doonaa su’aasha ku saabsan isu dheeli tirka quwadda ciidamada. Ma jirto sabab aanu idinka iyo Itoobiyaanka midkiin ula safanno.
Qaasim: Hadii aad diyaar u tihiin in aad mawqif dhexdhexaad ah qaadataan, maxaa uga qayb qaadan waydeen sidii nabad loo abuuri lahaa?
KISSINGER: Hadii aan ku lug yeesho mushkilad kale oo Afrikaan waa ku waalanayaa. Waa ka fikiri doonaa amuurtaas.
Qaasim: Waxa aan filaynaa in uu is bedel ku yimaaddo hab-dhaqankiina.
KISSINGER: Maxaan qaban karnaa?
Qaasim: Hadii aan si badheedh ah kuugu sheego, dhab ahaan waxa aad sabab u noqon kartaan in qoriga xabadda laga saaro. Waxa aan qabnaa in ay tahay in aad dib u eegtaan siyaasaddiina ku wajahan Gobolka Bariga Afrika.
KISSINGER: Oo markaa hadii aanu joojino hubka aanu Itoobiya siinayno, idinku na ma joojinaysaan shixnadaha aad ka soo daabulaysaan Midowga Soofiyeeti?
Qaasim: Sida aad u malaynaysaan ma aha hubka aanu ka keensanno Soofiyeedku. Waxa aanu dhisanaynaa ciidan difaaci kara xuduudahayaga oo aad u dheer. 1964 kii waa nala soo weeraray, wax difaac ah na ma aanu haysanin. Hadii laba dinac oo is haya midkood uu saanad ciidan helo, kan kale na faromadhanyahay, natiijo halis ah baa ka dhalan karta meeshaasi.
KISSINGER: Hadii aanu Itoobiyaanka ka joojinno hubka, oo idinku na aad sii waddaan in aad saanad ciidan ka heshaan Soofiyeedka, waxa dhici kara dagaal.
Qaasim: Itoobiya waxa ay leedahay milatari gaadhaaya toban gaas, anaku na laba. Marka aad leedihiin joojiya saanadaha ciidanka lagu disaayo, ma waxa aad sheegaysa kuwa mustaqbalka mise kuwa hadda socda?
Qaasim: Laakiin taakulayn ciidayn oo qiimaheedu dhanyahay 200 milyan oo Doolar ayaa siiseen Itoobiya.
KISSINGER: Taasi suurtagalba ma aha. Isku darka taakulaynta milatari ee aanu siinay Afrika oo dhan ayaa isku ah 60 milyan oo Doolar.
KISSINGER: Talcott, taageerada milatari ee aynu Itoobiya siinaynaa intee dhantahay? Talcott – waa 10 ilaa 20 milyan oo Doolar sanadkan.
Qaasim: Tayda ayaa ku adkaysanayaa. Waa ognahay in aad siinaysaan 200 milyan oo Doolar.
KISSINGER: Taasi waa waalli.
Philip Habib: Hadii la isku dardaro taakulayntii sanadihii ina dhaafay, warka uu Wasiirku (Qaasim) sheegayaa macquul wuu noqon karaa.
KISSINGER: Ma jirto sabab aannu been kuugu sheegno. Xaqiiqadii ayaannu kula wadaagnay.
Qaasim: Waa soo dhawaynaynaa wixii xog ah.
KISSINGER: Gebi ahaanba xogtaasi waa mid banyaal ah, sida loo helaana waa fududahay.
Qaasim: Taakulaynta sidaas u waawayni waxa ay sii shidaysaa uun dareen taban.
KISSINGER: Waxa aan qabaa in aad qaldantahay.
Qaasim: In aan qaldanahay aan rajayno.
KISSINGER: Fikrad ma iga siin kartaa wax aan qaban karno oo cad?
Qaasim: Haa. Waxa aan filaynaa niyad samaan dhinaciina ah oo Soomaaliya ku saabsan, anaku na taas waa ka fal-celinaynaa. Kolka aan wixii dareemo kala shaki ah saarno, waxa aynu horumarin karnaa iskaashi dhinacyo kale ah.
KISSINGER: Sidee kala shakiga u saari karnaa?
Qaasim: In aad joojisaan saanadaha ciidan ee aad Itoobiya siisaan.
KISSINGER: Adigu ma waxa aad haysaa shaqada Wasiirka Amuuraha Debedda ee Soomaaliya?
Qaasim: Madaxweynaha iyo Wasaaradda Arimaha Debedda ayaa aan caawiyaa.
KISSINGER: Waxa aan Safiirkayaga fari doonaa in uu bilaabo wadaxaajoodyo caam ah oo ku saabsan qaabkii loo horumarin lahaa cilaaqaadka inoo dhexeeya. Aan eegno wixii taas ka soo baxa. Yaan se wixii xidhiidho ah la wadnaa?
Caddow: Waa in aad la hadashaan Dr Cabdiraxmaan. Isaga ayaa ka tirsan Wasaaradda Arimaha Debedda.
Talcott SEELYE: Safiirkayagu dhibaatooyin buu ka sheegtaa marka uu doonaayo in uu helo balan.
Caddow: Sax ma aha taasu. Si buuxda ayaa albaabadu ugu furanyihiin Safiirkiina. Masuuliyiintayadu, sida kuwiinna oo kale, aad ayaa ay mashquul u yihiin. Mararka qaarkood waa dhacdaa in uu balanta sugo saddex ama afar maalmood, laakiin safiirada kale ba sidaas oo kale ayaa la kulanta.
KISSINGER: Waxa aan Safiirkayaga ka dalban doonaa in uu wadahadallo idinla furo, oo fikrado la is dhaafsado. In aan idiin mahad celiyo ayaa doonayaa, anaku na wax dareen cadawadeed ah ma idiin hayno. Wax aad naga haysataan ma jirto, waxa aan se dareensanahay in aad si qorshaysan nooga hor jeeddaan.
Su’aal: Maxaa kaaga baxay?