Maxay Soomaaliya Uga Dhigantahay Qaadista Cunaqabateynta Hubka?
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii cunaqabatayntii hubka uga qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya qaraarka tirsigiisu yahay 2714(2023), tallaabadan oo soo afjartay 31 sano oo ilaalo laga hayey, la diidanaa, adkeynayay ama la xadidayay hubka soo galaya dalka iyo isticmaalkiisa.
Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka ee Mudane Aadan Madoobe iyo Mudane Cabdi Xaashi iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda ayaa si weyn usoo dhoweeyey qaadidda cunaqabateynta hubka iyaga oo ku sheegay mid wax weyn ka tari doonta nabadda iyo xasilloonida, isla markaana ka qeybqaadan doonta awoodsiinta ciidamada xoogga dalka iyo soocelintii kaalinta Soomaaliya ee ilaalinta amnigeeda, midka dariska iyo dunidaba.
Qaadista cunaqateynta hubka ayaa ku timid dadaal siyaasi iyo mid diblomaasiyadeed oo ay bixisay dowladda Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo labadiisa xilli ee kala dambeeyay ka shaqeeyay sidii loo qaadi lahaa.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilligan fulinaya aragtidiisa ah “Soomaali Dunida Heshiis la ah”, kana faa’ideysanaya xiriirka wanaagsan uu la leeyahay saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa ka mirodhaliyay dadaallada qaadista cunaqabateynta hubka.
Hoswhan Madaxweyne Xasan uu uga qaadayo Soomaaliya culeyskan ka saaran in ay keensato hub ay ku difaacdo dalka iyo dadka, waa mid ka dhexguuxaeysay 10-kii sano ee lasoo dhaafay, oo waxaa xusid mudan in horay loo qafiiyay cunaqabateynta hubka xilligii hore ee uu madaxweynaha ahaa ee March 6, 2013, iyada oo taasi ay xigtay in madaxweynaha Mareykanka Obama uu saxiixay in taageero militari la siiyo Soomaaliya April 1, 2013. Tallaabooyinkan ayaa daba socday safarkii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay Mareykanka January 17, 2013, iyo aqoonsiga Washington ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya 22 sano kadib.
Haddaba, Sidee Halkan Lagu soo Gaaray?
Markii ay soo noqotay dowladnimada Soomaaliya 2,000 iyo wixii ka dambeeyay, waxaa mar weliba jiray xiriiro kala duwan oo Muqdisho ay la sameyneysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey si loo qaado amaba loo qafiifiyo cunaqateynta hubka, si dalku u yeesho ciidan hanan kara amniga xuduudaha dalka, isla markaana difaaci kara shacabka Soomaaliyeed, balse arrinkan waxaa mar kasta wiiqayay aragtida ay dunidu ka heysatay Soomaaliya, nuglaanta hey’adaheeda dowliga ah, hubka oo gacanta ugu jira beelo iyo kooxo kasoo horjeeda dowladnimada sida Shabaab.
Haddaba, wada hadallo, qiimeynno ay sameeyeen khubaro amni oo UN-ka ah oo heerar kala duwan lahaa, iyo dadaallo la bixiyay waxaa ka dhashay is-afgarad dhaliyay go’aanka Jimcihii la gaaray.
Go’aankani, waxaa uu daba socday qiimeyn la sameeyay sanadkii hore, kadib markii koox khubaro ay yimaadeen Soomaaliya inta u dhaxeysay 16 to ilaa July 2022 iyaga oo la kulmay mas’uuliyiin uu ugu horreeyo Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, lataliyihiisa amiga, waxaa ayna sidoo kale arkeen mas’uuliyiin kala duwan oo ka socotay hey’adaha amniga, garsoorka iyo Duqa Muqdisho. Inta ay joogeen waxaa ay qiimeyn ku sameeyeen dib u habeynta hey’adaha amniga, xeryaha, keydka hubka, khatarta Shabaab, isticmaalka hubka iyo arrimo kale.
Iyada oo la eegayo tallaabooyinka ay dowladda Soomaaliya u qaaday xakameynta hubka, shuruucda la dejiyay, isla xisaabtanka hey’adaha amniga iyo siyaasadda hubka ee 2021-2025 oo ay ku cusan yihiin marxalado kala duwan iyo mas’uuliyado ay kala leeyihiin heerarka kala duwan ee hey’adaha dowladda. Waxaa la dejiyay ilaa toban bartilmaameed oo lagu muujinayo sida Soomaaliya uga go’antay kaqaadista cunaqabatrynta hubka sida;
- Habeynta shuruucda iyo nidaaminta hubka sida hubka fudud, midka culus, keydinta, sumadeyntiisa iyo cidda leh gudbinta, saxiixa iyo arrimo kale.
- Istaraatiijiyad qaran oo la xiriirta maamulidda iyo keydinta hubka taas oo kulmineysa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.
- Xafiis iskuwada arrimaha keydinta, diiwaangelinta iyo xakameynta hubka gaar ahaan marka lajoogo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah.
- Xisaabinta hubka, sida in tusmo lagu dhigo hubka lasoo iibiyay, midka yaallo ama midka dhowaan laga qabsaday kooxaha.
- Bakhaarada iyo keydka hubka oo dib u qiimeyn lagu sameeyo iyo in la badiyo keydadka, lana xoojiyo tababarrada arrimahan la xiriira.
- In koox wadajir ah ka shaqeyso kor u qaadista iyo keydinta hubka, lana helo warbixinno sanadkiiba labojeer ah oo ay qeyb ka yihiin dowlad goboleedyada.
- Helidda nidaam lagu raadraacayo hubka iyo in uu jiro unug gaar ah oo arrinkan u xilsaaran kaasi oo shaqadiisu tahay la socodka keydka hubka iyo noocyadiisa.
- Istaraatiijiyad tababar oo mideysan oo la xiriira arrimaha hubka, keydintooda iyo howlaha la xiriira oo la hirgeliyo.
- In la sameeyo qaab la iskula xisaabtamo, gaar ahaan xadgudubyada jinsiga ee xilliyada colaadaha.
- In ay jiraan kulammo la xiriira ilaalinta xuquuqda caruunta ee xilliga colaadaha.
Sanad kadib bartilmaameedyadaasi in la qaado cunaqabateyntii hubka, waxaa ay caddeyn u tahay in Soomaaliya muddo sanad ah ay uga gudubtay dhammaan qodobbada kor ku xusan, isla markaana golaha ammaanka ay tustay niyad wanaag iyo sida ay go’antahay kor u socod.
Ansixinta xeerar nidaamiyaha xakameynta hubka, ladagaalanka maaliyadda argigixisada iyo aasaasidda NISA iyo xeerarka amni ee la xiriira, dib u habeynta hey’adaha amniga, garsoorka iyo hanti-dhowrka waa arrimaha ay guulaysatay xukuumadda oo ku jiray bartilmaameedyadaasi taasi oo kalsooni gelisay golaha amniga, dedejisana go’aankan.
Waxaa Maxay Ahmiyadda Qaadista Cunaqbateynta Hubka:
- Ladagaalanka Shabaab: Qaadista cunaqabateynta hubka, waxaa ay Soomaaliya u suutogelin doontaa helidda hub waaweyn, oo casri ah, 15 sano oo dowladda iyo Shabaab isla isticmaalayeen hub isku awood, oo inta badan ka haray burburkii dowladdii dhexe, hadda waxaa ay dowladdu heli doontaa hub ka duwan.
- Ilaalinta qarannimada: Ciidanka qaranka oo hub hela, waxaa xaqiijinta amniga dalka iyo xuduudihiisa, taasi oo ay adkeyd 30-kii sano ee lasoo dhaafay.
- Soocelinta Amniga iyo Kala dambeynta waa Muhiimadda kale oo ay Dowladda kaheli doonto ka faa’ideysiga tallaabadan. Waxaa ayna taasi yareyn doontaa cooladaha beelaha iyo xakameynta kooxaha nidaam diidka ah.
- Kor uqaadista awoodda ciidanka iyo tayeynta hubka ay heystaan waa hadaf muhiim ah oo laga helayo qaadista cunaqbateynta hubka.
- Xasilloonida Gobolka: Dalka inuu hub iyo ciidan adag yeesho waxaa ay kor u qaadeysaa kalsoonida dunida, waxaa ayna xoojineysaa amniga iyo xasillooniga gobolka.
- Soocelinta heybadda dowladnimada: Soomaaliya oo xoogeysata, awoodna leh waxaa dadka ugu dambeysay mar hore, awoodda dowladda waxaa ay kalsooni gelin doontaa shacabka in ay heystaan dowladnimo.
Sooyaalka Cunaqateynta Hubka ee Soomaaliya:
Golaha Ammaanka oo ka jawaabaya dagaallada sokeeye iyo xaaladda Banii’aadnimo ee ay jirtay ayaa 23 Janaayo 1992-kii, waxaa ui Soomaaliya kusoo rogay qaraarka 733 cunaqabateynta hubka, iyada oo
Dowladihii dalka ka dhismay wixii ka dambeeyay 2,000 waxaa ay raadiyeen in cunaqabataynta hubka laga qaado ama laga qafiifiyo, laakiin waxaa markii ugu horreysay cunaqabatayntaas qayb la qaaday oo la qafiifiyey 2013ki, taasi oo horseeday in geedu usocodkaasi lagu xoojinayay hey’adaha amniga ee dowladda uu haatan soo dhameystirmo, lana qaado guud ahaan cunaqabateynta iyada oo dhanka kale oo lasii adkeeyay cusboonaysiiyey cunaqabatayta saarneyd kooxda Al-shabaab ee qaraarka 2713(2023).
Arrimaha kale oo Sooyaalka laga xusi karo waxaa ka mid ah; in iyada oo la adkeeyay cunaqabateynta hubka, hadana lagu daray mid xadidan oo khuseeyay dad gaar ah oo ku xagdubka go’aanka golaha sida Shabaab, oo la xanibay safarka ama la hakiyay dhaqdhaqaaqa akoonadooda sida qaraarkii 1844 (2008).
Kadib codsi ka yimid dowladda Soomaaliya golaha ammaanka oo ka duulaya Chapter VII ayaa isku raacay1744 (2007) kaas oo u ogolaanayay ciidamada Afrikaanka in ay qaadaan tallaabo kasta oo lagu soo celinayo amniga iyo nabadda Soomaaliya, taasi oo ay jirto adeegsiga hub.
Dowladda Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh ayaa sanadkan ku tilaabsanaysa tallaabooyin taariikhda iyada oo 24-kii November ku biirtay EAC oo ah urur dhaqaale oo ay ku mideysan yihiin dalalka bariga Afrika halka December 1 laga qaaday cunqabateynta hubka oo 31 sano saarnaa, waxaana la filayaa in isla bisha gudaheeda laga cafiyo deyn caalami ah oo dulsaarneyd 40 sano. Arrimahan waxaa ay u gogol xaarayaan u saldhigidda dowlad dhiska, xoojinta hey’adaha dowladda iyo soocelinta adeegyadii kala duwanaa ee dowladnimada oo ku baaha dhammaan geyiga Soomaaliya.