U bood dhigaalka

Warbixin: Wax Kabaro Qorshe Howleedka Aragtida Horumarka Qarni  jirsiga Soomaaliya ee 2060.

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabogabeeyay kulan heerkiisu sareeyo oo golaha dhaqaalaha qaranka ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweynaha JFS Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ay kusoo bandhigeen Hiinsiga Qorshe Howleedka Aragtida Horumarka Qarni  jirsiga Soomaaliya ee 2060.

Shirka inta uu socday waxaa lagu soo daahfuray aragtiyo, cilmi baarisyo iyo hiigsi laga soo uruuriyay qeybaha bulshada, kaas oo lajaanqaadi kara qorshaha qaranka.

Waxaa kale oo jawaabo loo raadiyay sababta loogu baahanyahay aragtida qarni jirsiga Soomaaliya iyada oo lajaanqaadayo qorsheyaasha hadda socda, wejida ay tahay in ay yeelato aragtida dhaqaale ee qarni jirsiga, caqabadaha iman kara iyo sida looga kabanayo.

Haddaba, warbaahinta Goobjoog ayaa isdul istaageysa aragtidan, waxaa ay tahay, sababta, iyo jidka loo marayo fulinteeda, innaga oo jijibin doona hannnaanka lasoo bandhigay.

(1). Gundhigga Aragtida:

Aragtidan Qorshe Howleedka  Qarni  jirsiga Soomaaliya ee 2060 iyada oo ogsoon caqabadaha hadda dalka sida; Midda amniga ee Shabaab, cunno yari iyo faqriga, shaqo la’aanta, nuglaanta hey’adaha dowliga ah iyo qaar kale ayay hadana soo bandhigeysaa sidii ay Soomaaliya ku heli lahayd horumar siyaasadeed, mid amni, iyo dhaqan/dhaqaale oo waara, isla markaana lagu joogteeyo nabadda iyo xasilloonida. Waana aragti abaareysa in la helo horumar la taaban karo oo xagga dimoqoraadiyadda, loo dhammaanta umadeed iyo bulsho iyo dal tayo leh.

(2). Waa Maxay Sababta loo keenay Qorshe Howleedka Aragtida Horumarka Qarni  jirsiga Soomaaliya ee 2060?

(B). Gaarista Isku Filnaan dhan walba ah, Arrintan ah in la gaaro isku filnaan, waa howsha ugu weyn ee loo sameeyay Qorshe Howleedka Aragtida Horumarka Qarni  jirsiga Soomaaliya ee 2060. Si taasi loo gaaro qorshahan waxaa uu barbar soconayaa aragtida dalka ee 15-40-ka sano ee soo socota,

(T). Lajaanqaadista qorshayeyaasha Qaaradda kasocda: IGAD oo ay Soomaaliya ka mid waxaa ay leedahay aragtida ah 2050 halka midowga Afrika uu leeyahay uu leeyahay Ajendaha 2063.

Waxaa kale oo dalalka  ee dariska tusaale ahaan ay mid weliba leeyihiin aragtiyo ugaar ah sida; Aragtida Kenya(2030), Aragtida Dibouti(2035), Aragtida Itoobiya(2030) iyo qaar kale.

Aragtiyada ay dalalkan dhigteen waxaa ka mid ah wax kaqabashada arrimaha gaadiidka iyo isu socodka, ganacsiga xorta ah, sameynta magaalooyin ganacsi, helidda amni cuntada, guryo jaban, warshado. Waxaa kale oo qeyb ka ah baabi’inta faqriga, kobac dhaqaale iyo arrimo kale.

(J). Wax kabarashada Asia: Tusaale ahaan Soomaaliya waxaa horyaalla casharro ay ka baran karto dalal Asia ah sida Hong Kong, Singapore, Taiwan iyo Koonfurta Kuuriya oo dhammaan ah tusaalooyin la yimid qorsheyaal hadana guulaysatay.

(X). Khibradaha Dalalka kale, waxaana ku filan dalal kasoo kabtay dhibootooyin sida; Rwanda, Liberia, Burundi iyo Cambidia, dhammaan waa arrimo dhiirigelin kara aragtida cusub.

Haddaba, aragtida Soomaaliya waa mid barbar socota aragtiyadaasi gobolka iyo qaaaradda kajira, waxaa ayna leedahay qorshe dhan walba oo lagu gaari karo horumar dhan walba oo Soomaaliya u horseedi kara in ay la tartanto caalamka intiisa kale marka la gaaro 2060.

(3). Qorshe Howleedka 2060:

Qorshe howleedka waxaa saldhig u ah “Soomaaliya aan dooneyno” iyada oo laga fogaanayo in lasoo celiyo qaladaadkii dhacay ayaa wax laga qaban doonaa; Nuglaanta hey’adaha dowladda, Cunno yarida, shaqo la’aanta iyo barakaca, saameynta dhaqaalaha, colaadaha iyo dhammaan dhibaatooyinka ku hor gudban dowladnimada.

Qorshahan cusub waa sidii mustaqbal ifaya ay u heli lahaayeen ilaa 35 Milyan oo la filayo in ay gaarto tiro ahaan Soomaalida 2060-ka.

Aragtidan waxaa saldhig u noqonaya “Qorshaha 2025-2060) oo ah qorshe cusub oo lasoo bandhigi doono bartamaha 2024-ka, kaasi oo lajaanqaadi doona aragtida dalka, midda gobolka, qaaradda iyo caalamka.

Qorshahan ay “Soomaaliyada aan dooneyno”, waxaa uu ku wareegan doonaa arrimo ay ka mid yihiin; Dal nabad ah oo awood badan, Dhaqaale adag, oo leh kobac iyo barwaaqo, Soomaaliya in ay noqoto dalalka Middle Income iyo midda ugu dambeysa oo ah in nolosha dadka Soomaaliyeed ay noqoto mid fiican, oo tayo leh.

Waxaa la abuuri doonaa suuq dhaqaale, gaar ahaan kobcinta ganacsiga yaryar, waxaa la sii furfuri doonaa dhaqaalaha, waxaa la xoojin doonaa dhaqaalaha gaar ah iyo kaalinta bulshada rayidka ah iyo arrimo kale.

(4). Sooqaashada Aragtiyo Horumar oo Guuleystay:

Arrimaha la rumeysan yahay waa in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad shaqo, Soomaaliya dhaqaalaheeda waxaa uu 1.6% korayay sanad walba inta u dhaxeysay 1960-1988 halka uu ahaa inta u dhaxeysay 2012-2021 ilaa 2.9, hana sii wadi karo mudada soo socda.

Waxaa arrimahan tusaalooyin looga soo qaadan karaa dalal badan oo dunida ah sida; Indonesia, Malaysia, Koonfurta Kuuriya Thailand, Singapore, Mauritius, Kenya iyo Rwanda.

Dalalka waxaa ay tusaale fiican u yihiin kobaca dhaqaalaha, gaar ahaan dakhliga qofka iyo sida uu dalku u sameyn karo hiigsiga.

Casharada laga baran karo waxaa ka mid in la helo hoggaan fiican oo haga horumarka umadda, aragti muddo dheer ah oo horumar, aragti loo dhanyahay oo laga howlgalo, xasilooni dhaqaale, dowlad wanaag, furfurnaan iyo siyaasado dib u habaeyn dhan walba.

(5). Aragti Cusub:

Soomaaliya keliya uma baahna in ay soo aragti kasoo deynsato dunida kale, ee waxaa ay u baahantahay in ay la timaado qorshe iyo aragti u gaar ah, oo la jaanqaadi karta baahida dalkeeda.

Aragtidaasi waa in ay noqotaa mid xoojineysa hey’adaha dowladda oo hadda liita, mid meesha ka saareysa colaadaha jira iyo asbaabta keenta, mid adkeneysa federaalaynta isla markaana hor u qaadeysa awoodda dalka ee dhan walba.

Waa in la helo kaabayaal dhaqaale oo la isku haleyn karo, horumarin dhaqaalaha buluugga ah, waxsoosaar tayo leh, shaqaale shaqo aqoon ah, dad aragti leh, ganacsiyo gaar ah oo awood leh, suuq furan, in Soomaalida ay dhexgasho bulshada gobolka iyo arrimo kale.

Waa in sidoo kale maanka lagu hayo sidii loo heli karaa deegaan nadiif ah, maalgelin caalami ah, Teknolojiyad iyo howlo kale oo ay kujito sinnaanta, cadaaladda iyo nabadda.

Arrimahan oo dhmmaantood u muuqda kuwa xalwaara loogu heli doono Qorshaha 2025-2060.