U bood dhigaalka

Baarlamaanka Federalka oo Wadajir u Ansixiyay Misaaniyad Ka badan Hal Bilyan oo Doolar

Dood dheer oo baarlamaanka labadiisa aqal ay ka yeesheen miisaaniyadda ayey maanta ku ansixiyeen Miisaaniyadda dowladda ee 2024-ka, taas oo dhan 1,79315,784.dolar, iyadoo 186 Mudane oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa gacantaag ku ogolaaday miisaaniyadda halka ay diideen 3 Mudane mana jirin mudaanayaal ka aamusay oo lasoo wariyay.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi cabdillaahi, ayaa shir guddoominaya kulanka wadajirka ah ee labada aqal kulankiisa 4-aad oo ajandihiisu yahay, Warbixinta Akhrinta 2-aad ee xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2024.

Inta aan la ansixin, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux guddoomiyaha Guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Golaha Shacabka oo Xildhibaanada Labada gole ka hor akhriyay wax ka bedelka Miisaaniyadda 2024, Xildhibaannada ayaa intaa kadib ka dooday akhrintaa 2-aad ee miisaaniyadda dowladda ee wasaaradda Maaliyadda ay u soo gudbisay Baarlamaanka.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo meel-marinta Miisaaniyadda kadib la hadlay Baarlamaanka ayaa u mahadcelyay, waxa uuna tilmaamay muhiimadda Miisaaniyaddani ay u leedahay Hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya oo hadda gaba gabamaraya.

Miisaaniyaddan oo horay ay u soo ansixiyeen golaha wasiirrada ayaa isbaddal kooban oo wax ku daris ah ay ku sameeyeen labada gole, iyadoo lagu wado in dhawaan uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomalaiya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud si dhaqan gal u noqoto miisaaniyadda 2024-ka.