U bood dhigaalka

Guddiga Arrimaha Dibadda Aqalka Sare oo Xafiiskooda Su’aallo Ku Weydiiyay Wasiirka Qorsheynta

Sheeko:Aqalka Sare

Guddiga Arrimaha Dibadda aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa xafiiskooda ugu yeeray masuuliyiinta Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha oo uu hoggaaminayay Wasiirka wasaaradaas Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenabeene islaxisaabatan dartiisa.

Kulan oo saacado badan qaatay ayaa wax looga waydiiyay mas’uuliyiinta wasaaradda Mashaariicda dalka laga fuliyo iyo sida loo qaybiyo, howlaha hay’adda tirakoobka Qaranka, dhaqan galka sharciga Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga iyo su’aalo kale oo muhiim ahaa.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaah dibadda Aqalka Sare Senator Maryan Farah Kahiye oo kulanka Shir gudoominaysay ayaa Mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorshaynta uga mahad celisay sida faahfaahsan oo ay uga jawaabeen su’aalihooda, xilli xubanaha guddiga u mahadcelisay.