U bood dhigaalka

Gobolka Banaadir: Ma Ogin Lacag Bajaajley lagusoo Rogay

Maamulka gobolka Banaadir ayaa iskafogeeyay in ay ku lugleeyihiin lacago lagu soo rogay Mooto Bajaajleyda Muqdisho, taas oo keentay cabasho, kadib markii lagu dhawaaqay in Mooto walba laga rabo $27 oo lagu sheegay badqabkeeda.

Afhayeenka Gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri “Bajaajleyda lagama qaadi karo Lacag dhaafsiisan waxii sharciga ahaa ee ku waajibay, waxaana gacanta lagu soo dhigay shirkado lacago ka qaadaayay Bajaajleyda”.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayuu sheegay inuu amray in tallaabo laga qaado cid kasta oo ku howlaneyd arrintaan, isaga oo carabka ku dhuftay in gacanta lagu dhigay rag qaadayay lacagaha nuucaas ah sharcigana la horkeeni doono dhowaan.

Lacagtaan $27 ah oo lagu sheegay badqabka Mootada ayaa waxaa ay keentay in Muqdisho ay ka dhacaan bannaanbaxyo iyo in wadayaasha gaadiidka Mootada ay ku dhawaaqaan xabadjoojin, taas oo ah gadood ay ka muujiinayaan lacagtaasi.