U bood dhigaalka

Baarlamaanka Soomaaliya oo Waxba Kama Jiraan Ku tilmaamay Heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland.

Kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kadib isugu yeeristooda Madaxweynaha, ay si wadajir ah u guddoomiyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehlinayey Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Ku-xigeennada Labada Aqal ee BJFS ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland.

Guddoomiyeyaasha labada aqal oo goobta ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiskaasi uu xadgudub ku yahay qarannimada Soomaaliya iyaga oo intaa raaciyay in taasi ay tusineyso damaca Itoobiya ay ku doonayso dhul badeed, waxaa ayna xaqiijiyeen in ay tahay arrin aan xaqiiqo noqon karin.

Ugu dambeyntii, qoraal kasoo baxay kulanka baarlamaanka ayaa lagu soo bandhigay qaraar arrinkan la xiriira kaas oo lagu sheegay “Heshiiskii is-afgarad ay dhexmaray Dowladda Ethiopia iyo Somaliland ee Jannaayo 1, 2024 lagu gaaray magaaladda Adis Ababa, waa waxba kama jiraan aan lahayn saldhig sharciyadeed, maadaama uu ka hor imaanayo Dastuurka Dalka, Shuruucada Caalamiga ah oo ay ka mid yihiin Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Midowga Afriga iyo Xeerka lagu aasaasay Urur Goboleedka IGAD, iyo Qaraarrada Caalamiga ah ee Golaha Ammaanka oo xeerinaya madaxbannaanida Dalka, iyo Xeerka Maalgeshiga Shisheeye Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u degsan”.

Haddaba halkan ka akhriso qodobbada xeerka:

https://goobjoog.s3.eu-central-1.amazonaws.com/content/uploads/2024/01/02211555/Xeerka-Gobonimadda-Final_pdf-1.pdf