Dowladda Ingriiska oo Kahortimid Damaca ay Itoobiya Ku Dooneyso Dhulbadeedka Soomaaliya
Sheeko:Wararka Caalamka
![](https://goobjoog.s3.eu-central-1.amazonaws.com/content/uploads/2024/01/05161255/UK-Somalia.jpg)
Dowladda Ingiriiska ayaa qoraal kasoo saartay damaca Itoobiya ee dhul badeedka Soomaaliya iyada oo si buuxda u garab istaagtay dowladda federalka Soomaaliya.
Dowladda Ingiriiska ayaa adkaysay sida ay lama taabtaan u tahay ilaalinta Madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, xilli dowladda Ingiriisku 1960-kii ay xoriyadda siisay gobollada Waqooyi oo Koonfurta la midoobay.
Hadalka kasoo baxay dowladda Ingiriiska ayaa waxaa uu kusoo aadayaa dowladaha Mareykanka Midowga Yurub, midowga Afrika, urur-goboleedka IGAD iyo Jaamacadda Carab ay siweyn u garab istaageen dowladda Soomaaliya iyaga oo ku baaqay ilaalin madaxbannaanideeda dhuleed.