U bood dhigaalka

Saaaeyn Ceenkee ah ayey Kala Kulmi doontaa Soomaaliya Barnaamijka (ETA) ee Dal kugalka Kenya?

Madaxweyne William Ruto ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in Kenya ay joojin doonto shuruudihii dal kugalka ee dadka booqanaya Kenya, kadib markii dalal dhowr ah oo Africa ah ay ku dhawaaqeen in la joojinayo kala xirnaanta bulshada Qaaradda Afrika, sida Ruwanda, Kenya iyo Uganda oo ku dhawaqay.

Dhammaan bulshada ka imaanaysa dadka ee soo gelaya ayaa hadda u baahan doona in ay dalbadaan oggolaanshaha safarka Elektaroonigga ah ee loo soo gaabiyo (ETA) si loo aqoonsado marka ay soo galayaan, ETA-da Kenya waa nidaam go’aaminaya in qofku uu soo geli karo ama soo booqan karo Kenya.

Tilmaamo dhowr ah oo ku xusan gudaha bogga ETA, ayaa dhammaan booqdayaasha, oo ay ku jiraan carruurta waxa ay u baahan doonaan arrimahan sida ay sheegtay dawladda Kenya, kuwaasoo inta badan ay kala mid tahay dalalka dunida,laakiin arrintaan miyey saameynsaa dalalka sida Soomaaliya oo kale ah.

“Muwaadiniinta Waddamada Iskaashiga Bariga Afrika, Dalalkaas waxaa ka mid ah Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Rwanda, South Sudan, Tanzania, iyo Uganda, ayaa laga reebay barnaamijkan muddo 6 bilood ah”, ayaa lagu xusay bayaanka kasoo baxay dowladda Kenya.

“Barnaamijkan cusub ee ay soo kordhisay dowladda Kenya ee loo yaqaanno ETA, waxa uu gebi ahaanba wax ka beddelay qaabkii safarka ee Kenya lagu tegi jiray, ma saameynayo bulshada bariga Afrika oo Soomaaliya ay dhawaan ku biirtay, laakiin Soomaaliya wuu saameynayaa” ayaa lagu yiri bayaanka.

Madaxweynaha Kenya William Ruto sheegay in ay taageeri doonto aas-aaska aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika ee loo soo gaabiyo (AfCFTA) kaas oo doonaya in uu abuuro suuq aan xuduud lahayn oo loogu talagalay ganacsiga iyo ganacsatada Afrika,xilli Qaaradda la bilaabay in la isku furo isku socodka.