U bood dhigaalka

Bannaanbaxyo Lagu Diidan Yahay Damaca Itoobiya oo Ka Socda Gobolka Awdal

Shacabka magaalada Boorame ee gobolka Awdal ayaa maanta dhigay bannaabax ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan damaca Ethiopia ee qeyb kamid ah Badda Soomaaliya.

Banaan-baxayaasha oo Bartamaha magaalada isugu yimid ayaa ku dhawaaqaya baddeenna iib mahan iyo erayo ka dhan ah Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliland, iyagoo tilmaamay in heshiiskaas uusan marna suuragal ka aheyn inuu ka fulo dhulka Soomaaliyeed.


Qaar kamid ah Banaan-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda Soomaaliya ka qaadatey is-afgaradkii dhaxmaray 1-dii bishan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Muuse Biixi Cabdi ee badda Seylac.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda banaan-baxyo looga soo horjeedo damaca dowladda uu hoggaamiyaha ka yahay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, iyagoo sheegay in aysan ogolaan doonin taako kamid ah dalka, waxayna dowladda ugu baaqeen inay raadiso dhulka Soomaali Galbeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland, kaas oo ay ansixiyeen Xildhibaannada Labada Aqal.